DAAWO VIDEO:Kufsiga Puntland oo Madaxa la Galay Soomaliland iyo Shabaab

Puntland Ayaa Markii ugu horeyey war Kooban kasoo saartay Kufsiga Xadhiga Goostay ee ka Jira Deegaanada Puntland,Iyadoona Kufsigaasi u Socdey Si Horay Deegaanada Puntland loogu Aqoon Noocaasi.

Kufsiga Puntland ka Dhacaya Ayaa Noqday in Gabadha la Kufsado kadibna Kooxdaasi Kufsiga Kadib Dilaan Haweenka,Puntland oo xukun Adag Kasoo saartay Ayaana Ilaa Hada wax iska Badalin Dhacdooyinka Dhacaya  Siday u Socdaan.

Puntland Ayaa Gudi U saartay Baadhaya Dhamaan Dhacdooyinka Kufsiga Dhacayey,waxayna Si hordhac Sheegeen Gudiga In Kufsiga Laga Soo Maal Galiyo Meelaha Dagaalka Puntland kula Jirto oo ka Mid Yahiin Shabaab Iyo Soomaliland sida Masuulinta Baadhaysa oo Magacooda Gaabsaday Sheegeen.

Halkani Riix Video Muuqaalka

15 Comments

  1. Somaliland waxay noqotay dawadii reer budhbudh leyn iskaga daweyn jireen cudur walba oo gala. kkkkkkkkkkkkkk

    Reer Marqaan weynena waxay u noqotay dhenged ay la dhacaan reer Budhbudhleyn.

    Reer Budhleyn waxay yidhaahdaan vs Marqaan weyne waxa uu ugu jawaabo.

    Odaygiibaa calooshu istaagtay.
    Somaliland ayaa sharoobo xaarka ku dhejisa siisay.

    Islaantii baa hindhistay.
    Somaliland ayaa shaarubaha u salaaxday.

    Inankii wuxuu noqday qorqorde qolqol joog ah oonan dherigaba ka ag dhamaan.
    Somalialnd baa gaxaadhatada macaaneyso ugu dartay.

    Cunuqii ayaa ooyay.
    Somalialnd baa qanjiidhisay.

    Bisad baa dhuustay.
    Somaliland baa sheegtay.

    Eygii ayaa wahwah leh.
    Somaliland ayuu arkey.

    Ridiibaa darartay waxartiina ma joogto.
    Somaliland ayaa waxartii afduubtay.

    Sacadii wax cagaar ah ayuu raamsanayaa.
    Somaliland baa mijin qaada u qaaday.

    Awrkii baa doobyaya oo dubur buu afka ka keenay.
    Somaliland ayaa viagara siisay.

    Orgigii baa biifta haya oo qeyladiisa ayaanu ka seexan la nahay.
    Somaliland ayaa kasoo shaqeysay inuu waxarta kufsado.

    Sumalkii idaha lagu sii daayay wuu ka kaaftoomay oo si baanu u rabin.
    Somaliland ayaa riyaha doorkan ku balamisay.

    Doqontii baa cihi tidhi.
    Somaliland baa kilinkilaysay. kkkk

    Inantii xagaa iyo Woqooyi Galbaeed ayay xamaantii u guratay.
    Somalilandbay u baxsatay.

    Oo tolow maxay Somaliland ka doontay iyo sixir bey ku dhajeen. Waar reer woqooyigu sixirka ma yaqaanaane oo waxaasi waa shuqul Koonfureede maxaa kalee jira? Mey waxay tahayba Somaliland uunbaa ka danbeysa baxsadkeedaas.

    Tollow ma is weydiiyeen inay in la kufsado, dabadeedna la khaarajiyo ka baqatay?

    • Waa yaab soomaaliland nolosha umaguudho iyo nabafba cidaan iyada ahayn laakiin saas aqoonsi Ku gaadhi maysaan intaad dad gurigiina bay ka dhici waxaad fashaanba dadka kale we soomaaliyeed nicebaa gaala xaarka iyo kabo u qaadooyin wiligiin iyo abedkiin do lad now on may dawn waayo waxaa hareera ka xiga labada gobol togdheer iyo waqooyi galbeed was dh

  2. Mubarik Yusuf

    Xishoo nin yahow oo si wanaagsan waxaad odhaneyso u dheh. Hablaha reer Budhleyn waa hablo Soomaaliyeed oo cisi iyo sharaf inaga mudan. Anigu hadaan idhi inanbaa soo baxsatay oo nafteeda iyada oo dooneysa iney badbaadsato noosoo gashay, maxaa cawradeeda ku gaadhsiiyay?

    Adoo odhan kara, inantaas anagu kufsan meyno eese meher xalaal ah ayaanu ugu nasteexeyn, guri ay boqorad ka tahayna waanu dejin ayaad si indho la’aan ah qar iskaga tuureysaa.

    Mubaarigoow, inagu waxaas laga sheegayo Budhleyn dhaqan uma lihin. Si kasta ooynu iskaga soo horjeedno nimankaas inaga oo qudha iska jarayna oo kurka iska wada gurayna ayaynaan dumarka juuq u odhanin. Weligeen iyo waaqeen dhankaas la’inagama maro sxb. Dhimasho ayaynu ka xignaa. Intaan hubo, Warsan geliga, Dhulbahantaha, Isaaqa, Samaroonka, Ciisaha, Absamaha, Ogaadeenka, Akishada, iyo inta nawaaxigaas degta oo dhaniba waxaas dhaqan uma laha.

    Aniga Aabahay Allaa yarximee ayaa berigaanu yaryareyn nooga sheekeyn jiray in Isaaqa iyo Daaroodku geela kala dhici jireen. Waxa aan aad uga helay sheeko uu nooga sheekeeyay oo aheyd in Ogaadeenku intay isa soo urursadeen ay Geel tiro badan inaga dhaceen. Kolkaasna aynu inaguna ciidan iyo col dirnay. Markay ka war heleen in colka kusoo fool lihi uu aad u baaxad weyn yahay oonay iska caabin karin Geelana heysan karin ayay Geelii la hayaameen oo ay futo biciid kala dhaceen. Colkii Isaaqna kamuu dabo hadhine raadkoodii ayuu guray. Bilo ayay dabo socdeen oo caro Ogaadeen sii jibaaxayeen. Ragii Ogaadeen waxay ka tageen Caadhkoodii, yacni xaasaskoodii iyo caruurtoodii oo hablo iyo inamo yaryar leh. Xitaa kuray aanan dagaalka weli geli karin ay ku jiraan. Xoolena adhi badan iyo loba wey ka tegeen.

    Waxaan garanayaa oon weydiiyay aabahey, oo aabo maxay uga carareen xaasaskoodii iyo caruurtoodii miyaanay ka baqeyn in la laayo. Kolkaas ayuu nagu yidhi waxaasi dhankeena waa ka mamnuuc. Dumarka iyo caruurta iyo waayeelku waa biri ma geydo. Anagu caruur Xamar ku dhalatay ayaanu aheyn oo kelmadaha waaweyn badankooda maanaan aqoon. Waxaanu weydiinay waa maxay biri ma geydadu. Wuxuu nagu yidhi waa waranka, falaadha, soodhka, midida iyo wax kale oo hub ahba inaan lagu dhufan. Ama aanan la leyn inta tamarta yar sida dumarka iyo caruurta, xitaa hadey wiilal ama odoyaal yihiin.

    Anigu geelii badnaa ee la dhacay iyo ka dabo tegiisii iyo dagaalkii ba’naa ee lagu soo celiyayba waxa iiga qiimo badnaa dhaqanka wanaagsan ee cadawgaaga caadhkiisa lasii dhex marayo eenan juuqna loo odhaneyn, iyaguna aanay kaa baqeyn oo ay hubaan inaan loo gacan qaadeyn.

    Hadaba Mubaarigoow haku dagmin dadkan iyo dhaqamadan aynaan garaneyn oo hablaheena sharafta leh meel hakaga dhicin. Ragooda la walaaqo oo waxaad doontid ku dheh. Bal aan markaas wax kugu idhaahdo. Laakiinse dumarka inga dhaaf aflagaadeyntooda inagu waxaas dhaqan uma lihine.

    Waad mahadsan tahay.

  3. Hablaha, Majeedheen waa hablo qurux badan , aan jecelahay , xurmad u hayo.. si kale yaan loo fahmin qoraalkayga.

  4. Mubarik Yusuf

    Waa runtaa oo hablaha majeerteen hubaal waa qalanjooyin. Waad ku mahadsan tahay sxb sixitaanka aad isa saxday. Kuwa maqaalka soo qoray woxoodu waa wixii xunba xaawaa leh. Dheg iyaga jalaq ha u siinin.

  5. Iidoor wagaash iyo Kufriga wacad Alla u yaalle.
    Reer futo xume waa kansarka Soomaali ku jira.
    Waa dadka kaliya ee ka fataala ama gada hablahooda. Waa qowmka kaliya ee Ilaahay iyo nebigiisa (CSW) caaya Soomaalida kale dhaqankaas ma laha.
    Haddii aad maqashaan Soomaali dhulkaa lala gooyay oo masiibaa ku habsatay soomaalidu way taqaanaa in kuwaasi masiibada nagu soo hoggaamiyeen: Argagixiso, Diin cay, kufsi, Aids, daroogo sida qaadka, Khamri, yuhuud jacayl, Ingiriis dab u leef, waxaas oo dhan Hargeysa ayay ka yimaadaan.
    Waxaan Soomaalida kula talinlahaa in Hargeysa la fasaxo. Alleylehe futo xumaan Soomaali ma kala bixi lahaayeen

  6. Mr ahmed
    Indr waad ku mahadsantahay sida quruxda badan ee qiimaha leh e dhaqanka iyo xurmadu ku dheehantahay ee aad uga hadshey sharafta iyo karaamada ay leeyihiin misana mudanyihiin hablaha soomaaliyeed
    Runtii uma qalmaan in lasoo dhex geliyo kafta ka iyo siyaasada iyo xifaaltanka raga ka dhaxeeya.

    Waxaan kloo isna u hambalyaynaa uguna mahad celinayaa suldaanka sanaag CISMAAN CAWAD TAAJKA MAAKHIR. Wuxuba waa isla nin qudhee.
    Mar hore oo uu isna si qurux badan u sharaxay qiimaha hablaha soomaaliyeed iyo dhaqanka reer waqooyiga iyo siday u sharfaan dumarka
    Isna wuu mahadsanyahay

    Intiina kle ee hlkan ku kaftanta waxaan idinkula talinayaa labo qodob

    1. Kaftakiina ka reebo dumarka oo wax xun oo ayna geyin haka sheegine.
    Waxaad ogaataan oo aan idiin sheegayaa.
    Suldaanka,boqorka,caaqilka garaadka.ugaaska madaxwaynaha siyaasiga aqoonyahanka intaba inay dumarku dhalaan oo hooyo u yihiin.
    Intaasi aan sheegay waa intaad isku haysataan ee u dagaalamaysaan.
    Waxa jira boqolaal nin oo kle oo wada wngsn oo dunida dhex jooga ama joogi jirey ama iman doona hdii ilaahay aqblo oo dumar ka yimi ama ka iman doona
    Markaa sxbyaal miyaa wax xunba in laga ay u qalmaan

    2. Iyadoo ay fiicantahay in hadii siyaasad laga kaftamayo in laga wada hadlo dawlado ama maamul ama gobol oo qabiilka afka laga meermeersho.
    Balse hadii laga maarmi waayo in lasoo qaado
    Waa in aan la caayin qabiil iska dhan oo wax walba leh waayo qabiilku waa umad.
    Ogsoonow waxa kugu kelifaya cayda qabiilka iska dhan waa qofkan aad wada hadlaysaan.
    Hana iloobin inaad xuquuq kle ku tumatey.

    ( Haday wax idin tarayso waa iga talo)

    Hadaan idinku gefayna raali noqda

  7. @Akhyaarta oo Wada Salaaman,

    Hadda uun baan boggan ka soo dul dhacay oo waxaan ugu horreyntii salaan kal iyo laab ah iyo mahad aad u ballaadhan hawada sare u soo marinayaa Mudaneyaasha kala ah SHAARUB iyo AHMED oo si xariir ah oo hufan hawraar dhaqankeena suubban iyo diinteena xaqa ah salka ku haya boggan noogu nuuradeeyay.

    In badan ayaynu xaqiiqdii u taameynay in la helo raggeena oo si akhyaarnimo ay ku dheehan tahay hablaheena Soomaaliyeed sumcaddooda iyo sharaftooda u difaaca. Mudane SHAARUB aad baan kaaga mahadinayaa amaanta iyo bogaadinta qiimaha iyo qaayaha badan ee aad hawada ii soo marisay. Ahmed na waan ugu hambalyeynayaa cimaamaddii looga baahnaa in uu madashan ku muujiyay. Kudos buddy.

  8. Shaarub iyo Cismaan. Salaan Gobeed iga wada gudooma.

    Shaarub waayeelka dhabta ah ee goobtan aad baad u mahadsantahay sxb. Waanada iyo hogo tusaaleynta aad had iyo goor diyaarka la tahayna Illaahay hakaa jisaa’i siiyo. Jisaakumulaahi Kheyran. Shukran kun jeer sxb.

    Cismaan nin hayin ah oo waayeelnimo u dheertahay waan kugu ogaa sxb. Siyaasadu waa halkeeda laakiinse dhaqankeena suuban iyo camalkeena wanaagsan marnaba maaha ineynu meel kaga dhacno. Hablaheena Soomaaliyeedna waa cisigii iyo sharaftii aynu ku tiirsaneyn. La’aantood iga walee waxba ma nihin. Keenii khaldamana ee leynka ka beydhana waajib ayay inagu tahay ineynu hogotusaaleyn iyo waanoba leynka dib ugu soo ridno oynaan ku eegan.

    Sxbyaal dadaalka sii wada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.