DAAWO VIDEO:Garaadka Guud ee Warsan Gali oo Dhibaatada Somaliland ee Sanaag Iyo Dumar La faro Xumeyey Ka Hadlay.

Garaad cabdulahi cali ciid Ayaa Siweyn Uga Hadlay Arimo jira oo ka Mid Yahiin Kufsi Iyo Dhibaato Dumar loo haystey Gar Ahaana,Dhacdooyin Kufsi oo kusoo badanayey Waxaana uu fariin u diray laamaha Amaanka Puntland.

Garaadka Waxa uu soo hadal Qaaday Dagaalka Soomalind Iyo Puntland  Iyo daan daansiga Soomalialnd ku hayso Deegaanada Puntland.

Halkani Riix Video Muuqaalka

1 Comment

  1. Marqaan Media,

    Min fadlakum cinwaannadiina iyo wararka sida aydun u soo xiganeysaan saxa oo sida ay yihiin u soo tabiya. Garaadku masiibada uu ka warramayo waa mid Puntland dhankeeda Koonfureed oo Mudug xigta ka dhacday oo afkiisa ayuu ku carrabbaabay Dhuusamareeb. Ma aha dhibaato Sanaag khusaysa haba yaraato ee.

    Marqaanoow in aydun idinka oo website Hartiyeed ah hablaha Warsangali iyo Dhulbahante ku ceebeysaan “Somaliland” baa kufsatay ma ahayn damiir la idin ka filaayay xaqiiqdii. Runtu sida ay tahay u sheega si kasta oo aydun Somaliland u naceb tihiin.

    Midda kale ee in halkan bayaan looga caddeeyo uu waajib yahay waxaa weeyaan in aanay Isaaqa iyo Hartiga Woqooyi iyo dhammaan beelaha reer Woqooyiga isla ahi aanay falkan foosha xun isku ku la kicin colaad kasta oo ka dhexeysa xataa. Reer Woqooyigu haweenka marna ba xaggooda iska ma soo galaan oo dhaqan xumada Mudug ilaa Koonfurta laga caadeystay sinji iyo siif toona u ma leh.

    Isaaqa iyo beelaha kale ee Woqooyiga loollan siyaasadeed baa ka dhexeeya mooyaanee dagaal bulsheed ka ma dhexeeyo oo waa wada xidid iyo xigaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.