DAAWO VIDEO:DEG DEG Ilhan Cumar oo dil Ka Bad Baadey Trump oo Raali Galiyey Isna Badaley

Afhayeenadda Aqalka Wakiilladda (Senedka) ee dalka Maraykanka, Nancy Pelosi ayaa sheegtay inay Sarkaalka dhinaca Ammaanka ee Aqalkaasi kala hadashay Ammaanka Seantor Ilhan Omar iyo in ilaalo khaas ah loo sameeyo.

Hadal-qoraal oo ay soo saartay Nancy Pelosi waxay kaloo ku sheegtay inay doonayso inay Ciiddanka Boliska ee Capitol (USCP) ee u xil-saaran ilaalinta Ammaanka Xildhibaanadda dalkaasi inay Ilaalo Khaas ah u sameeyaan Ilhaan Cumar, Qoyskeeda iyo shaqaalaheeda.

Halkani Video Daawo

“Waxay Ciiddankaasi sii wadi doonaan inay ilaaleeyaan iyo inay sheegeen Cabsida soo wajihi karta Ilhaan Cumar” ayey tiri Afhayenadda Aqalka Wakiiladda ee Maraykanka.

Nancy Pelosi waxay kaloo qoraalkeeda ku sheegtay in hadallada Madaxweyne Trump lagu miisaami karo Hal Tan iyo  inay nacaybkiisa ay abuuri karaan Khatar Xaqiiqo ah.

“Madaxweyne Trump waxaa waajib kuugu ah inaad hoos u dhigto Ixtiraam la’aantaada dadka kale iyo Muuqaalladda Video-ga ee Khatarta leh” ayey Afhayeenadda Aqalka Senedka Maraykanka si tooska ah ugu sheegtay Madaxweyne Trump.

Dhinaca kale, Xildhibaanad Ilhaan Cumar waxay Axaddii shalay shaacisay inay kordheen farriimaha loogu hanjabayo in iyada la dili doono, tan iyo markii uu Madaxweyne Trump soo tweet-gareeyey qoraal iyo Muuqaal Video ah oo  la isku soo habeeyey, kaasi  oo uu ku eedeyey Xilhibaanadaasi Somali-Maraykanka ah.

“Tan iyo markii uu Madaxweyne Trump fiidnimadii Jimcihii soo dhigay Bartiisa Twitterka, waxaa kordhay cabsi-gelinta tooska ee Nolosheyda, iyadoo Farriimahaasi badankooda tixraac iyo jawaab u ahaayeen Muuqaalkii Video-ga ee Madaxweynaha soo tweet-gareeyey” ayey tiri Ilhaan Cumar.

Waxay intaasi ku dartay inay u mahadcelinayso The Capitol Police, Hay’adda Dembi-baarista Federalka ee FBI-da, Madaxa Ammaanka ee Aqalka Senedka iyo Afhayeenadda Aqalkaasi ee dareenka ay ka bixiyeen cabsi-gelintaasi.

Ma aha markii ugu horreysay ee Ilhaan Cumar la kulanto Hanjabaadyo, iyadoo ay Hay’adda FBI-da bishan April 5-dii dacwad ku soo oogtay nin deggan magaalladda New York , kaasi oo ku hanjabay inuu dili doono Ilhaan Cumar.

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu hanjabadaasi ku sheegay, xilli uu Telefoon u diray Xafiiskeeda oo ku yaalla magaalladda New York.

3 Comments

  1. Waa gabar yar oogeesiyad ah duqaana wuxuu qabaa cudurislaweynaan ahoouumooday inuu dalkakaleeyahay dadkau dhashay Cimrigiisii wa dhamaaday ee siduu u khaylinaayooou dagaalamaayowadnahaa fariisandoonoee hala sugo

  2. Anigu waxaan aaminsanahay oo aan aad uga xumahay in gabadheenan Soomaaliyeed si qaldan loogu adeegsanayo loollanka ka dhex aloosan darafyada midigta iyo bidixda kala xiga ee siyaasadda Mareykanka. Waxaa aanu shaki ku jirin in ay siyaasadda Mareykanku su xun u qasantay oo kuwa maanka furani ee ay gorodda isku la jiraan kuwa maanka qufulan ee xagjirnimada ku mintidaya.

    Qas kasta oo Mareykanka ka jira anigu nafar Soomaaliyeed, gaar ahaan ruux daddig ah, in ay ku dhex milmaan loollankan qaawan ee gaalada ka dhex qarxay. Gaaladani iyaga ayaa is ah oo qaaraddan awoodda ku leh. Ilhaan Cumar waxaa kun jeer ku habboonayd in aanay sidan isu muujinin oo jagadaas uu Rabbi ku galladay si qarsoon oo fariidnimo ay ku dheehan tahay uga faa’iideyso dalkeedan weli qabyada ah iyo geyiyada kale ee Soomaaliyeed.

    Diinteenu xataa haweenka waa ay ka kafaala qaadday in ay bulshada ka dhex muujiyaan oo il xun lagu eego waayo waa aasaaski bulshada iyo hooyooyin xurmaddoodu uga dhex sugan tahay bulshadooda gudaheeda. Ilhaan talo xumo ayaa qaadday oo in laga nasteexeeyo ayay mudan tahay xaqiiqdii. Shu’uumo aan khuseynin oo aanay dani ugu jirin ayay isku dhex tuurtay. Waa wax aad looga xumaado runtii.

Leave a Reply

Your email address will not be published.