Daawo:- Eng.Yariisoow “Somalia lama mid ahan Dalalka Ciraaq iyo Afghanistan” Hadal dad badan kayaabiyay.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Simon Mulongo Ku-simaha Madaxda Midowga Afrika iyo Taliyaha AMISOM ee Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay howlgallada shabelloyinka oo muhiim u ah Amniga Muqdisho iyo Qorshaha Amniga Caasimadda.

Guddoomiyaha iyo Saraakiisha ka scotay Midowga waxay isla falanqeeyeen muhiimadda uu amniga Caasimaddu u leeyahay xasilloonida dalka, iyagoo isku raacay in la dardargeliyo howlgallada Gobollada Shabellaha Hoose iyo Shebellaha dhexe looga sifeynayo Al-shabaab, taasoo muhiim u ah amniga Caasimadda.

Eng.Yarisow ayaa tilmamay in saraakiisha Midowga Afrika ay isku af garteen in la sameeyo guddi farsamo oo ka socda labada dhinac, kuwaasoo ka wada shaqaynaya qorshaha Amniga Caasimadda.

Dhinaca kale Waxa uu kahadlay raqiga udhaxeeya Somalia iyo dalalka carbeed ee ay ka aasaasmeeyn ururada Argagaxisa isagoona Sheegay Somalia in aysan lamid ah Dalalka Ciraaq iyo Afghanistan.

HALKAAN KADAAWO

2 Comments

  1. war ninkani wanaagsanaa oo Ilaahay ha garab galo, waayo waa daacad xaq ku shaqaynayaa wax xunna aan dadkiisa la jeclayn.

    Mudane Yariisoow Cabdriraxmaan guulayso Ilaahay idankiis.

  2. Allaah Kariim!

    Yariisoow iyo Mulongo ayaa waxaa ay isku af garteen in:

    “la sameeyo GUDDI farsamo oo ka socda labada dhinac, kuwaasoo ka wada shaqaynaya qorshaha Amniga Caasimadda”.

    Waa af carabi aynu macnaha ku duugan aadka u dhaadsannahay. Goob ay Yariisoow iyo Mulongo u heshiiyeen Alle ha u naxariisto.

    War illayn dawaco meel ay macal uga baratay maara looga ma helo!

    Qolyooyinkan Koonfureed maxaa damiirka ka dilay oo ay musuq maasuqan baahsan ee qaran dummiska ah caadada uga dhigteen toloow? Maxaa ka madoobeeyay in haddii ay dalkooda xasilistaan oo ay daacad u noqdaan malaayiin ka badan oo xalaal ah ay kaga macaashi lahaayeen?

Leave a Reply

Your email address will not be published.