Daawo:- Caasimadda Puntland oo wajahaysa xaalad adag iyadoona laga baqayo dagaal qarxa.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe, ayaa sheegay in khilaafaadka dhulka ee magaalada uu marayo heerkii ugu xumaa, oo u baahan in dhakhso wax looga qabto.

Gu’jir ayaa sheegay in duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse oo mudda kooban xilka haya uu muujiyay karti oo shaqo, islamarkaana uu abuuray mashaariic badan, kuwa kalena hirgeliyay, balse ay wakhtigan hor taallo caqabadda arrimaha dhulka oo maareyn iyo xallin deg deg ah uga baahan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in khilaafaadka la xiriira bogcadaha dhulka ee lagu dagaallamo, ay khatar muuqata ku yihiin amniga iyo xasiloonida caasimadda Garoowe , haddii aan si dhakhso ah wax looga qaban dowlad iyo shacab.

HALKAAN KADAAWO

2 Comments

  1. Wax ba wax bay aad u dhaamaan ee waxaa ka sii naxdin iyo fadeexad badnaan lahayd iyada oo la soo wariyo madaxweynaha Puntland baa dhul uu oday ka xoogay lagu haystaa sida Hargeysa ka dhacda.

    Ma sidan ayay se Puntland 20 sanadood dawlad ku ahayd? Magaalooyinka waaweyn iyo kuwa xiga ba sow waajibku ma ahayn in waa hore qorsheyntooda manashiibbiyada la dhammeys tiro oo khariidadda loo sii naqshadeeyo? Sow ma ahayn in dhulka loo sii kala qaybiyo inta deegaanka ah iyo inta ka baxsan? Sow ma ahayn in sharciga lagu duugo dhulka hantida bulsheed ah ee ay dawladaha hoose u maareeneynayaan?

    Ilbaxdii haddii ay sidan ku dambeeyeen waa maxay rajada caamada dalka intiisa kale laga leeyahay?

  2. Aduunka qof dhul yeelan kara malaha, hadey beer tahay waa laga ijaaraa horta, haduu wax ka beeri waayo ama wax shacabka wax anfacaya ka muujin waayo , dib baa loogala noqdaa, marka qof meel iska xaydaaman karaa ma jiro. waa in sharciya adag laga soo saaraa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.