Daawo:- Banaanbaxyo laga yaabo in ay ka dhacaan Muqdisho iyo DFS oo soo bandhigtay ciidanka rabshadaha kahortaga oo tababar soo dhamaystay.

Hadalheynta in uu jiro Banaanbax ay abaabulayaan dadka Shacabka gaar ahaan Gaadiidka dadweynaha ayaa xoogeysatay Saacaddihii ugu dambeeyay, waxaana jira maalmihii lasoo dhaafay kacdoon arintaasi ku aadan oo ka socday Baraha Bulshadda.

Banaanbaxa ayaa laga cabsi qaba in uu dhaco maalinta berri ah, waxaana dowladda Soomaaliya ay maanta Magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay Ciidamo loogu tala galay in ay ka hortaggaan rabshaddaha.

HALKAAN KADAAWO

Ciidankaan ayaa ah Ciidan Boolis ah, waxaana goobta lagu soo bandhigayay tagay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuur Islow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta Hay’addaha Ammaanka ayaa sheegay in Ciidankaan loogu tala galay in ay ka hortaggaan Banaanbaxyadda.

1 Comment

  1. Xil.mooryaanta ahaa iyo tuugadii sheganayay siyasiinta markay baahden waxay billaabeen in hub laga dhigto dadka shacabka dhiiggoda si loogu dangaaro, waxa caddaatay qaraxyada iyo dilalku inay maleegayeen kooxdan mooryanta ee u adeegta Argagixisada Alshabaab, markii la hakiyay qaraxyadii Amnigiina soo hagaagay waxa billaamay bannaan bax qaraxyo wato kuwaasoo lagu doonayo in lagu dhaco hantida shacabka laguna burburiyo dawladnimada yare hadda la haysto, arrintan hore ayaa looga digay mooryaantu inay adeegsan doonaan waddo kasta oo looga hortagayo dawladnimo iyo Amni Ka hanaqaado somalia 🇸🇴, ogoow inaan dhiigga muslimiinta laga macaashin kuwa nolosha ku raadsanayana aysan calfan doonin, dawladdu maanta awood bay u leedahay inay talkaabo kastaa qaaddo, wayna qaadaysa mana dhacayso in dawladnimada somalia 🇸🇴 loo adeegsado bannanbax wabiil oo lagu khalkhalganiyo amniga guud ee dalka laguna boobo hanti ummadeed,ciidamadu way ku filan yihiin sugidda amniga, wayna fashilmi doonaan kooxda mooryaanta ee sida xun wax u raadinayo. insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.