Daawo:- Axmed Karaash oo iclaamiyay Dagaal lagu xurreynayo deegaanada Maqan + Dagaal kabilaabanaya buuraha iyo…

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir gudoomiyey shirka Amniga Puntland oo ka qabsoomay xarunta Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Shirkan waxaa kasoo qayb galey maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Yuusuf Madaxmed Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, Taliyayaasha Ciidamada Booliska, Daraawiishta, PSF, Asluubta iyoTaliyaha qaybta gobolka Nugaal.

Shirkan oo diiradda lagu saarayey amaanka guud ee Puntland iyo dhacdooyinkii foosha xumaa ee soo laa laabtay ayaa waxaa ka warbixiyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR Dowladda Puntland Yuusuf Madaxmed Ismaaciil.

HALKAAN HOOSE KADAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.