DAAWO:- Aqalka Sare oo shaki ka muujiyay in qalaldaad lagu soo daro dastuurka Somalia ee dib u eegista lagu samaynayo.

Golaha Aqalka sare BFS ayaa yeeshay kal-fadhiga 5aad kulankiisa 3aad, ajandahana waxa uu ahaa Dhagaysiga warbixinta guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka iyo Akhrinta 1aad ee hindise sharciyeedka xaqsiinta Siyaasiyiinta.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku-xiggeenka 1aad golaha aqalka sare baarlamaanka federaalka Soomaaliya  sen, Abshir Maxamed Axmed.

Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo hirgelinta dastuurka  BFS ayaa ka hadlay dhismaha guddiga iyo xubnaha uu ka kooban yahay, waxa uuna sheegay in guddiga uu ka kooban yahay 16 xubnood oo ka kala socda labada aqal baarlamaanka iyo xubno ka kala socda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xiggeenka 1aad golaha aqalka sare baarlamaanka federaalka Soomaaliya  sen. Abshir Maxamed Axmed  ayaa sheegay in la guda galayo ajandaha labaad ee fadhiga ee ah Akhrinta 1aad ee hindise sharciyeedka Xaqsiinta Siyaasiyiinta, waxaana senatarada ka hor akhriyay sen. Mahdi Daahir Sheeq Nuur oo xubin ka ah guddiga xeer hoosaadka golaha aqalka sare.

HALKAAN KADAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.