Akhriso:- Oramada oo awood badanb ku yeelatay dalka Ethopia kadib markii wasiiro muhiim ah loo kordhiyay.

Kulan ay Maanta yeesheen Xubnaha Golaha Wasiirada dalka Itoobiya ayaa waxaa ay ku ansixiyeen Saddex Wasiir oo Cusub, kuwaas oo uu dhawaan Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee FANA ayaa ku warantay in Madaxweynihii Maamulka Oromada ee dalka Itoobiya Lemma Megersa  loo Magacaabey Wasiirka Gaashaandhigga dalkaas.

Sidoo kale waxaa la Magacaabey Wasiirka arrimaha dibadda kaas oo ah Janeraal lagu Magacaabo Gedu Andargachew, halka wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo dhsimooyinka loo magacaabay Injineer Caasha Maxamed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.