Akhriso:- Masuul katirsan Puntland oo isku casilay sabab yaab leh kadib markii ay baaheen Tacadiyada kajira gobollada qaar.

Cabbaas Askar Cabbaas oo ahaa wakiilkii xafiiska difaacaha xuquuqda Insaanka Puntland u qaabilsan gobolka Karkaar ayaa maanta ku dhawaaqay in uu xilkii iska casilay.

Cabaas oo aan la xiriirnay waxa uu shaqa tegistiisa ku sabeeyay ka dib markii uu wada shaqayn ka waayay xafiiska guud ee xaquuqul insaanka Puntland, waxa uu sheegay in cabaashooyin iyo shaqooyin loo diray ay ka gaabiyeen , shaqadii uu bulshada u hayayna ay gaabis gashay mudona uu dulqaad iyo sabur ku waday.

Cabaas Askar sidoo kale waxa uu ku eedeeyay madaxda iyo shaqaalaha xafiiska in ay gacan saar la yeesheen laamaha garsoonka iyo qaybaha kale ee dawlada taas oo meesha ka saartay shaqadii xafiisku bulshada u hayay.

2016 dhamaadkeedii ayaa Maxamed Yuusuf madaxa xafiiska xaquuqul aadanaha Puntland u magacaabay xilkaan Cabaas Askar.

Dhanka kale xiriir aan la samaynay xafiiska guud ee xaquuqul insaanka Puntland ayaan noo suurtagelin, si aan wax uga waydiino arimaha lagu eedaynayo iyo shaqo ka tagista maamulihii xafiiska ee Qardho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.