DAAWO VIDEO:Dhanti Dhalinayarad Kufsiga U Gaystey oo Dil Lagu Xukumay Maanta.

Maxkamadda Darajada Kowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta oo Sabti ah xukun dil ah ku riday shan dhalinyaro ah oo kusfi wadareed 22 bishii la soo dhaafay ee February  gabar ugu gesytay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ku xigeenka xeer ilaalaiyad guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay in eedeysanayaasha dilka toogashada lagu xakumay loo cuskaday Suuratu Maa’ida Aayadda 33aad, xeerka kusiga iyo xeerka habka cinqaabta Soomaaliyeed.

Magacyada

  1. Cabdirisaaq Xamed Cilmi, da’diisu tahay 18 jir
  2. Cabdirisaaq Cali Cabi, da’diisu tahay 18 jir
  3. Yusuf Cabdullaahi Xirsi, da’diisu tahay 18 jir
  4. Ugaas Mire Barre, da’diisu tahay 19 jir
  5. Cismaan Maxamed Cabdulaahi, da’diisu tahay 18 jir.

Dhalinyarada kufsiga ku eedeysan oo la sheegay in ay qirteen ayaa afar kamid ah laga soo qabtay magaalada Qardho, halka midka kalana laga soo qabtay Gaalkacyo, waxaana la go’aamiyay in kiiskooda lagu galo Garowe.

Halkani Riix Video Muuqaalka Daawo

5 Comments

  1. Waa markii koobaad oo puntland ka dhacdo cadaalad tan oo kale ah guuuuuuuul
    Kii dambe oo kufsi sameeyana sidaas ha loo galo

  2. Maamulka buntulan ee wadadii cadaalada cagta saaray madaama xukunkii kitaabkii alle lagu fuliyey Waa guul & raali galin alle ee buntulaan usoo hoyatay masha.alaah dawladda muntulan alaha xafido

Leave a Reply

Your email address will not be published.