Dhagayso:- Xukuumadda cusub ee Deni oo durba laga dhaliilay gobolka Bari.

Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xukuumadda cusub ee uu xalay soo magacaabay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

Qaar kamid ah shacabka oo la hadlay HM ayaa sheegay in ay taageerayaan xukuumadda madaxweyne Deni .waxayna xildhibaanada ugu baaqeen in ay codka kalsoonida siiyaan.

Waxa ay sheegeen in marka la eego liiska xukuumadda iyo shakhsiyaadka kasoo muuqday ay yihiin aqoonyahano iyo masuuliyiin door fir fircoon kasoo qaatay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay iyagoona sifeeyay kuwa og xaalada iyo duruufaha ay qabaan shacabka Puntland sidaas darteedna ay ka rajeynayaan waxqabad iyo howlkarnimo.

Qaar kale oo kamid ah shacabka magaalada Boosaaso ayaase golaha xukuumaddan cusub ku tilmaamay kuwo aam wax badan uga duwanayn xukuumadihii hore marka la eego tiradooda,qoondada ay ka heleen haweenka iyo arimo kale sida ay sheegeen.

halkaan ka dhagayso cododka

Si kastaba Xukuumadda cusub ee uu xalay ku dhawaaqay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ka kooban 18 Wasiir 21 Wasiir ku xigeen iyo 9 Wasiiru Dowle, kuwaas oo u badan wasiiro ku cusub saaxadda siyaasadda marka laga reebo tiro wasiiro ah.

Golaha wasiiradan cusub ayaa sugaya in ay codka kalsoonida ka helaan xildhibaanada Golaha wakiilada Puntland iyadoona hadii si aqlabiyad leh ay xildhibaanada ugu qaadaan kadib laga dhursugayo waxqabadka ay la imaan doonaan.

3 Comments

  1. Упор поясничный Seat Back

    https://u.to/CoMzFA

    Уникальный поясничный упор, помогающий избавиться от распространенных проблем с позвоночником всего за четыре недели.
    Быстро снимает боль в спине, уменьшает нагрузку на позвонки и помогает держать осанку в положении сидя

    ***^

Leave a Reply

Your email address will not be published.