Beesha Warsan Gali oo Saluugey Wasiirada Cusub Iyo Quundada La Siiyey Beesha.

Maal mahani waxaa Mucaaradka Beesha Warsan Gali Qorayeen Falooyin Ciwaan Looga Dhigayey Inuu Ka Hordo Galaan Galka wax Qeybsiga Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhooba-daareed  .

Sida Ka Muuqanaysa Magacabida Golaha wasiirada Cusub Ayaa Beesha Warsan Gali Heleen Suququl Kooban oo Ah laba wasaaradood oo Kala Ah Xanaanada Xoolaha Iyo Tacliinta Sare.

Cadaalada Dadka Falan Qeeya Ayaa Sheegaya inay tani tahay Mid ka Hoosaysa cadaalada Ay ka Tirsanayeen Beeshu Xukumadahii Hore Tanina Kaba Sii dartay.

Ciwaanada Kale ee Aan ka Soo Xiganey Indheer Garadka Ayaa Ciwaano kale Uga Dhigay Falooyinkooda (Axmed Karaash oo Soo dhacsaday cadkiisa Iyo warsan Gali oo hagraday Cabdixakiin Dhooba-daareed  )Inkasta oo Meesha Warsan Gali Iyo Dhulbahante markasta Cadaalad  Daradu ku wareegto Puntland.

Gaalka Dil Gartiisana Sii Ayaa Horay Loo Yiri,Ilahayba Cadaalad lehe Xukumadani Cusub Cadaalad kama Muuqanayso,Waayo wasaarada Amniga iyo Wasaarada Arimaha Gudaha Kuma Haboonayn Inay isku Meel Aadan.

Waxaase Haboon Inaan xasuusano Hadii Dhulbahante Iyo Warsan-Gali Boqol Wasiir lasiiyo Goley Garoowe Soo Dhaafi Mayaane Maxaynu iskaga Daalinaynaa 2 Wasiir oo Barako leh,Waxayna Ka Fiican yahiin 10 wasiir oo Barako La’aan Ah.

Saluugan Durba Kasoo baxay Magacaabida Golaha Wasiirada Ayaa U Muuqanaya Mid soo Deg Degey.

_______________________________________________________________

Wiixii Aragti Ama Faallo Aad Hayso waxaad Noogu Soo Diri Kartaa

Saxafi12@gmail.com

Ama Marqaanka@Gmail.com

2 thoughts on “Beesha Warsan Gali oo Saluugey Wasiirada Cusub Iyo Quundada La Siiyey Beesha.

  1. Dadka puntland warar kala duwan ayaa ka so yeraya,Qaar waxay yirahden wasiro koban oo tayo leh Madaxweyne Danni haso magacabo Qabiil wax uu so kordhinayo majirto,kuwo kale waxay Durba ka shanqariyen in Dulmi jiro,inkasta oo Qolo si toosa udacwonaysa aaysan jirin,toloow dadka maxa Deeqa,Xabaal in lagu rogo oo kaliya.

    Reply

Post Comment