Akhriso:- Xaaska Paul Faramosa oo qirtay in Seygeeda uu aad u amaani jiray somalida “10kii qof mid baa xun”.

Qoyska Maamulihii Shirkadda DP World ee Boosaso Paul Anthony Farmosa oo u dhashay dalka Malta ayaa difaacay shacabka Soomaalida iyagoo ka digay qoraalo ay internet-ka ku baahiyeen Dad cunsuriyiin ah kuwaas oo lagu weerarayey dadka Soomaalida ah.

Sarah Formosa oo ah gabadha uu dhalay Paul ayaa sheegtay inay yihiin Soomaalida dad wanaagsan, sidaan uu mar walba u sheegi jiray aabaheed intaanan la dilin.

“Wuxuu mar walba noo sheegi jiray in 10kii qof ee Soomaali ah oo uu arko ay 8 kamid ah yihiin dad wanaagsan, halka laga yaabo 2 qof oo xun inay ku jiraan, ayey tiri Sarah Formosa oo sheegtay in ay maalmihii lasoo dhaafay jireen cunsuriyiin ku nool dalka Malta oo faafinayey qoraalo ka dhan ah Soomaalida.

“Maaha Magaca Aabahay in loo adeegsado falalka Cunsurinimada ah, dadka Soomaalida ah waa dad wanaagsan oo shaqeysta kuwooda xuna waxay lamid yihiin Cunsuriyiinta aan halkan ku heyno ee Malta” ayey tiri Sarah.

Todobad ka hor ayaa lagu dilay Boosaso Poul oo ahaa Madaxii Shirkadda P&O port ee Hoostagta Dp World.

Sawirka Hoose waa Poul oo la sawiran Qoyskiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.