Xildhibaan Mahad Salaad “Si ajnabi gudoomiye looga dhigo Bankiga dhexa miyaa loo badalayaa qodob dhan oo dastuuro ah? Wax soconayo ma ahan”.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ka digay qorshaha la doonayo in Bangiga Dhexe Madax looga dhigo nin Ajnabi ah, taasoo maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay.

Mahad Salaad ayaa sheegay in soo jeedin ku saabsan wax ka bedelka sharciga Bangiga Dhexe la doonayo in maalinta Isniinta la horkeeno Baarlamaanka, si Bangiga Dhexe loogu dhiibo qof ajnabi ah.

“Beec geynta Bangiga Dhexe waa mashruuc bilowgiisa aan aragno, laakiin dhamaadkiisa cid aysan ogeyn, soo jeedin wax loogu bedelayo sharciga Bangiga Dhexe ayaa la horkeenayaa Golaha Shacabka maalinta Isniinta, si nin Ajnabi ah loogu dhiibo Bangiga Dhexe”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa su’aal ka keenay wax ka bedelka lagu sameynayo xeerka Guddoomiyaha, Guddoomiye kuxigeenka Bangiga Dhexe iyo shanta xubnood ee Golaha Agaasimayaasha (Board of Directors) ay ahaadaan muwaadiniin Soomaaliyeed

Haddaba, waxaa isweydiin mudan:

1. Maxaa xikmad ah oo ku jira in xilligaan shuruucda dalka loo badalo nin AJNABI ah si loogu dhiibo Bankiga Dhexe oo ah hay’adda ugu saraysa ee maamusha dhaqaalaha dalka?

2. Maxaa looga cararayaa muwaadinka Soomaaliyeed ee aqoonyahanka wadaniga ah, laguna doortay nin AJNABI ah oo cilmi maaliyadeed aan baran. Shaqo maaliyadeedna aan soo qaban sida CV-giisa ka muuqata?

3. Mise waxaa jira qorsheyaal kale oo naga qarsoon oo in aan ogaanana hada aysan muhiim ahayn?!

5 Comments

  1. Dadki Qaranka liqay oo ummadda Boobay oo laayey aya manta danta umadda ka hadlaya.

    Anigu markaan arko nin habargidir ah oo danta wadanka ka hadlaya waxaan isweydiiya
    ” Tolow Reerkan xaggu ilaahay ku wada “

  2. SOMALIA = GOVERNMENT = FOR = POLITICAL NO WAY DIRECTION?…….
    ————————————————————————————————————————
    SOOMAALIDU = MA NIDAAM = HAGAADSAN = BAY = LA, DAHAY
    MISE? = HOGAAN = WANAAGSAN?……….
    ————————————————————————————————————————

  3. H.gidir waa u dhamatay marba hadii sharci cusub ee 1990 kii waxii kadanbeyay hantida dowlada lagu soo warejinayo xamarna aysan dagan ku lahayn waa iska baxayan oo ilmaha afka ayay ku qadayen reerbaydhabo iyo reer marko dhulkina silig ku ooda ayay idinku sooqixin

  4. Kooxda n&n dhulkii soomaaliyeed waa iibinayaan, guusha farmaajo iyo khayrre ay ka gaareen horumarta soomaaliya waa qodobadaan soosicdo:
    1- in mawaaddinninta soomaaliyeed loogacangaliyo galiyo cadawga soomaaliyeed (qalbidhagax)
    2- in soomaaliya iyo itoobiya haldal laga dhigo itoobiyaan madaxweyne looga dhigo labada dal (waayaan)
    3- in dawladnimada soomaaliya laga maamulo faceboog
    4- in la burburiyo dhammaan wixii horay loosoodhisay sida maamulgoboleedyada Si aysana caawinaad u Helin shacabka soomaaliyeed ee gobolada ku nool.
    5- in la burburiyo wax astaan ciidan qaran Ah Si dalka ammaankiisa ugu tiirsanaado awoodda itoobiya dadka soomaaliyeedna cabsi ugu noolaadaan.
    6- in dhammaan ilaha dhaqaalaha iyo kaydka dhaqaalaha gacanta loogsliyo dad iyo dawlado ajnabi ay tusaale dekedaha iyi eeraboorada itoobiyaan iyo turki
    7- in dhammaan kaydka lacageed iyo midka macdanta lagu wareejiyo waddamo gaar Ah tusaale bankiyada ingriis, shiidaalka noorwey, kalluumaysiga shiinaha iyo turkida.
    8- sirdoonka waxaaba goor hore lagu warreejiyey dawladda QADAR.
    9- in dhammaan siyaasiyiinta dalka laga dhigo mid la xuri, mid la dilo, mid carara iyo mid cabsi ku jooga.
    Haddaba maxaa idiin haray soomaaliyeey oo aad sugtaan.

  5. Farmajo iyo kheyre waxay soo celinayan hantida xasan garguurte uu boobay .tarabunka guriyihi asluubta xeebti liido dhulka ariporka gurihi iyo dhulkii asluubta jardinoyinkii beerti cidamada xoga iyo beertii booliska dhaman waxii dhul uu ibiyay kuna soogalay dorashadii galmudug iyo tii jubland hiiran waxaso dhula waa lasoo celinayaa haday tasi dhacdo xeryaha dowlada walaga baxaya iyo dhulka danta guud meeshi ay h.gidir adil lahayd yaa calamad su,aal korsarantahay

Leave a Reply

Your email address will not be published.