Deni oo durba bilaabay la xisaabtanka Wasiiradii Gaas “Wasiirka Maaliyadda oo lagu dhagan yahay”.

Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Cabdulalahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiinta sare ee wasaaradda maaliyadda Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha maaliyadda Puntland, gaar ahaanna ilaalinta kharashaadka dowladda ee xilligan kala-guurka ah oo ay is-beddelayaan madaxda u sarraysa Puntland.

Wararku waxay sheegayaan, in wasiirka maaliyadda intii kulanku socday wax laga weydiiyay in uu dhaqan-gelay amarkii madaxweynaha cusub ku xannibay dhammaan kharashaadka dowladda ee ku kaydsan bangiga dhexe iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale wararma waxay tilmaamayaan in Wasiirafii Dhaqaaje laga rabo soo gudbinta xisaabta saxda ah ee kujirta Bankiyada Dowladda.

Arintaan ayaa umuuqata mid madaxwayne Deni uu ku doonayo inuu wax kaga badalo habkii shaqo ee xukuumadii isaga kahoreysay.

6 Comments

  1. Waan u bogey warkaas, ar Madaxwyne Deni Hantida ummadda dabaqabo kolley inaad waxku gaareysid umalayn mayee, filinamaayo maanta in khasnadaha qaarkood waxkujiraan.
    Ari kagaar hororada ku mabay xoolaha ummadda, kuwaas iyo ummadda Allaah baa kalaxisaabi doona.

  2. Asc Wr Wb Good Jb Mr Deni keepup the good work. Atoore sxb iskasoo noqo haddii laga adkaadey Gaas dhib maleh tolkaagaan nahay, horaan kuugu sheegay inuu Gaas soo noqoneyn ee dhagaha ka fariisataykkkkkkkkkk

  3. Быстро и качественно накручивать лайки, подписки, просмотры почти во всех известных социальных сетях.
    Быстрая регистрация, проста в управлении, приятный интерфейс, все это говорят только об этой программе для накрутки.
    В программе есть только одна валюта — поинты, вы их зарабатываете и обмениваете на лайки и подписки в нужной вами соц. сети.
    В самой программе вы входите на ваши аккаунты в соц. сетях и вам начисляются поинты.

    зарегестрироваться

Leave a Reply

Your email address will not be published.