FALANQEYN:Doorashada Puntland Dhankee U Socotaa ?Yaase La Saadaalinayaa.

Doorashada Puntland Ayaa Maraysa Meesha Ugu Xasaasisanayd,Waxaana Kusii Qulqulaya Murashaxiinta u Taagan Xilka Madaxweynaha Puntland oo Iskugu Jira Rag Doonaya Inay Saaxada Siyaasada Kusoo Galaan Doorashada Iyo Rag Cidiyaha Ku dagaalamaya Inay Helaan Gurigaasi.

Waxaa Jira Hadal hayn Shacabka iyo dadka Siyaasada La Socda Hadal hayaan Taasi oo Si Gaar Aynu Usoo Qaadanayno  Aragtida Hada Muuqanaysa Iyo Siyaasinta Ugu Cad Cad Xilka Madaxweynaha  Sidoo kale Waxaynu Soo Qaadanaynaa Cawaaqiga Puntland Ka Jira Siyaasad Ahaan.

Shanta Musharax ee Xiligani La Hadal hayo Inay samayn Ku Leeyahiin Doorashada Puntland Ayaa Kala Ah.

  1. Asad Cismaan Cabdulahi(Diyaano)
  2. Siciid cabdulahi Deni
  3. Cabdiwali Maxamed Cali gaas.
  4. Cali Xaaji Warsame
  5. Eng Maxamuud Khaliif Xasan (Jabiye)

Shantani Musharax Ayaa Dadka Siyaasadda La Socda Mid kasta Si Gaar Ugu saadaalinayaan Inuu Xilka Madaxweynaha Puntland Laga Yaabo Inuu Ku Guulaysto,Balse waxaa Jira Sooyaal Doorasho oo Puntland Soo martay Kuwaasi oo lagu Qiimaynayo Doorashadani Soo Socoda.

Hadaba Shantani Musharax Aynu Sharaxno Sida Dadka Qiimeeya Siyaasada Ugu Qiimaynayaan Inay Ku Guulaystaan Doorashada Soo Socota Inkasta Siyaasada Markasta Isbadasho.

Asad Cismaan Cabdulahi(Diyaano) Waa Nin Samayn badan Kusoo Galay Siyaasada Doorashada Puntland Gar Ahaana Intuusan Ku Dhawaacin ka Hor Ayaa La Hadal hayey Inuu Musharax Noqon Doono Doorashada Puntland 2019,Waa Nin Dhalinyaro Ah oo Ay Amin san Yahiin Shacabka Puntland Inuu wax Badan ka Badalayo Amaanka Puntland.

Sida Kalana Asad Cismaan Cabdulahi(Diyaano) Waxaa uu Kasoo Jeeda Beesha Cismaan Maxamud oo lagu Tirinayo wareegtada Doorashada Inay Sanadkani Sigaar Loolan Ugu Gali Doonaan ,waxaa uu Ku Dhow Yahay Madaxweynahii Hore ee Puntland AUN Cadde Muuse Xirsi.

Asad Cismaan Cabdulahi(Diyaano) waa Musharax la aamin san yahay Inuu Si gaar Ugu Dhow Yahay Madaxweynaha Xilka Haya cabdiwali maxamed Cali Gaas,Iyadoo Booskii Taliyaha Ha’yadda  PSV oo uu Hogaan U Ahaa Isla Booskiisa Madaxweynaha Puntland Ku badali Doono Sida Ilo Hoose Sheegayaan Walalkii Maxamud Cismaan.

Qoys Ahaana Waxaa La Saadaalinayaa inay Madaxnimada Puntland samayn Ku Leeyahay.

Taasi waxay Keentay Tuhun Ah Inuu Gacan Saar la Leeyahay Madaxweynaha Xilka Ka Dhamaanayo,Waa Nin Siyaasad Ahaan Dhanka Debada Ku Xiran Inkasta Ana La Hubin Dhaqaalo wanaagsan haysta ,Inkasta oo Dadka Qaar qabaan Inuu Halka Dhib Ka hor Imaan Doontaa Tahay Da’ahaan Inuu Yar yahay Balse Qodobka Dastuurka puntland Waa Mid Furan oo Suura Gal tahay Inaysan ka Raabin Doorashada

Siciid cabdulahi Deni Waa Musharax Labaad ee samaynta Ku Leh Doorashada Puntland,waxaana uu Leeyahay Koox Adag oo U Qaabilsan Ololaha Doorashada  Xataa Qurbaha Ayuu Ku Leeyahay Dad Social Media Aad Uga Buun Buuniya.

Musharax Siciid cabdulahi Deni Waa Nin Dhaqaalo Badan Ku Maamuli Doona Xildhibaanada Barlamaanka Puntland  Gar Ahaana  Aad U Bixiya Dhaqaalaha Dhanka Barlamaanka ,Beel Ahaana waxaa uu kasoo jeeda Beesha Cismaan Maxamud oo Sidaan Horay usoo Sheegay sanadkani la Aamin san yahay Inay Doorashadani Loolan Adag u gali Doonaan.

Siciid cabdulahi Deni Ayaa Dadka Dhaliila Ku Tilmaamaan Nin Aad Ugu Xidhan Kooxda Samu Jadiid Gar Ahaana Waxaa Tageero Xoogan Siinaya Madaxweynahii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh maxamud oo Doonaya Inay Puntland Kasoo baxo Musharax Tageero u Ah Si 2021 Doorashada Villa Soomaaliya uu Garab Uga Helo.

waxaa Jira Siyaasin Dagaal Adag Kula Gali Doona Inuusan Soo Bixin waxaa ka Mid Ah cumar cabdirashid oo Doorashadi Villa Soomaaliya Isaga Hor Imadeen .

Cabdiwali Maxamed cali Gaas Waa Madaxweynahii hore ee Puntland Hadana Waxaa Muuqanaysa Samaynti Laga Filayey Inuusan Doorashadani Ku lahayn,Iyadoo loo Sababaynayo Awoodiisa Siyaasada oo Uleexiyey Villa Soomaaliya,Waxaana uu Doonayaa In Hadii uusan Gu Guulaysan Doorashada uu Adi Doono Loolan Faderalka Ah.

Cali Xaaji Warsame Waa Nin samayn badan Ku lahaa Doorashada Puntland ,Waxaana Gaar Ahaan Samayn Ku Leeyahay Shacabka Puntland,Inkasta oo Xukumada Jirta ee Madaxweyne Gaas Hogaaminayo daal Siyaasadeed Ku wada Jiraan.

Musharax Cali Xaaji Warsame  Waa Nin Qunyar Socod Ah Waxaana Laga Saabaa Inuu Dagaal Siyaasadeed la Kulmo oo Musharaxinta Is Tagersan iskugu Shubaan Isaguna Kali Noqdo

Eng Maxamuud Khaliif Xasan (Jabiye) Waa Nin Dhaqaalo Badan Haysta oo Laga Yaabo Inuu Barlamaanka Dhaqaalo Ku Fan Gareeyo Balse  Hadalaada saxaafada uu ka Sheego Ayaa Inta Badani Ah Kuwo Aysan la Dhac Sanayn Siyaasinta Puntland.

Dadka Siyaasada La Socda Ayaa Waxay Aamin san yahiin Inay tageero Xoogan Siinayso Dowlada Faderalka Soomaaliya Gaar Ahaana isku Dhow Yahiin Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre,Waana Siyaasiga Ay Doonayso Inuu Madaxweyne Ka Noqdo Puntland.

Marqaannews.com

 

 

 

 

One thought on “FALANQEYN:Doorashada Puntland Dhankee U Socotaa ?Yaase La Saadaalinayaa.

Post Comment