Dhagayso:- Xildhibaanada kacdoonka kawada Kismaayo oo dil loogu hanjabay + Muranka oo sii kordhay.

Qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Maamulka Jubbaland oo saluugsan hanaanka shaqo ee gudoonka baarlamaanka ayaa lagu soo waramayaa in ay hadda soo wajahday cabsi xoogan kadib markii ay heleen fariimo hanjabaad oo loogu goodinayo in la khaarijinayo hadii ay howsha sii wadaan.

Mid kamid ah Xildhibaanadaasi oo Kismaayo jooga ayaa taleefanka ugu sheegay Marqaannews in ay soo wajahday cabsi xoogan balse ay howshooda la cabsan doonin diyaarna ay uyihiin in ay udhionteen shacabkooda.

Halkaan riix si aad udhagaysato Codka

dhinaca kale xildhibaankaan ayaa inooga sheekeeyay waxa uu salka kuhayo khilaafkaan maalin kahor kasoo shaac baxay magaalada Kismaayo.

 

Post Comment