Dhagayso Waraysi:- Maamulka Sh.Hoose oo MMG uga waramay weerarkii lagu dilay Taliyihii abaanduulihii 12KA April.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose waxaa maanta qarax Miino lagu dilay saraakiil katirsan Ciidanka XDS kuwaas oo la sheegay in ay kusii jeedeen Magaalada Muqdisho.

Gaari ay la socdeen saraakiishaan iyo askar l socotay ayay miino nuuca dhulka lagu aaso ah kula kacday Deegaanka Dhanaane oo kudhaw degmada Afgooye sida uu HM uxaqiijiyay Gudoomiye xigeenka Gobolka shabeelaha Hoose.

Halkaan riix si aad waraysiga udhagaysato

Saraakiisha qaraxa lagu dilay ayaa kala ahaa Taliyihii Qeybta 12 Apriil Cumar Aadan Dhabad (Cumar dheere)  iyo Abaandullaha Qeybta 12April General Cabdi Cali Jamaame iyo 7askari oo gaari la saarnayd.

Hadaba gudoomiye xigeenka shabeelaha Hoose ayaa qaraxaasi iyo khasaarihiisa uga waramay Cumar Lakiman oo Boosaaso jooga.

Post Comment