Dhagayso:- Somaliland oo walwal kamuujisay Mushrixiinta Puntland ee kusii qulqulaya gobollada SSC “Dhulbahante ayaa usabab ah dayacaas”.

Puntland waxaa kasocda olalaha Doorashada waxaana musharixiin badan oo xilal doon ah ay kusii qulqulayaan Deegaanada kala duwan ee Puntland si ay taageere uga helaan shacabka gobolladaasi.

Meelaha ugu badan ee ay Musharixiintu tagaan waxaa kamid ah Gobollada la isku yiraahdo SSC “Sool,Sanaag,Cay”, waxaana hadda soo baxaya cabsi socdaaladaasi ay kamuujisay Somaliland oo sheegata gobolladaasi.

Wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo dhalasho ahaan gobolka Sool kasoo jeeda ayaa isagoo kuhadlayay afka xukuumadda somaliland sheegay in maamulkiisu uu walwal kaqabo musharixiinta ku qulqulaya Gobolladaasi.

Riix Halkaan si aad Codka udhagaysato

waxa uu wasiirkaan sheegay in qulqulka musharixiinta ay sababteedu leeyihiin siyaasiyiinta Dhulbahante maadaama Raggaasi aysan gobolka imaan lahayn hadii aysan heli lahayn siyaasi Dhulbahante ah oo horboodaya.

 

Post Comment