Dhagayso:- Maamulka Degmada Ceeldaahir oo ka hadlay qaabka ay ku sumoobeen Dadkii cabay caanaha.

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan dad ku sumoobay deegaanka Ceel Daahir oo hoos taga degmada Carmo ee gobolka Bari kadib markii ay cabeen caano ku jiray caagado.

Dadkani oo isugu jira haween iyo caruur ayaa haatan xaaladooda caafimaad ay soo hagaagaysa kadib markii gurmad caafimaad loo fidiyey.

Halkaan Riix si aad udhagaysato Codka

Gudoomiyaha deegaanka Ceel Daahir Cali Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in dadkani aanan la garanayn ilaa iyo hada waxyaabaha ay ku sumoobeen hasa ahaatee xoolihii laga soo lisay caanihii ay cabeen  ay caafimaad qabaan baadhitaana lagu wado sababaha ka dambeeya in ay sumoobaan dadkaasi.

 

Post Comment