DAAWO:Madaxweyne Gaas oo Tuute u xidhan doona Tukaraq & Saraakiisha ciidamada Puntland oo amar la siiyey

Wararkii ugu dambeeyey ee hada aan ka helayno madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe ayaa waxa ay sheegayaan in uu ku wajahan jiidaha hore ee deegaanka Tukaraq madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo koormeer ku tagi doona furimaha hore ee ay ka degan yihiin deegaankaasi ciidamada difaaca Puntland. RIIX HALKAN OO KA DAAWO MUUQAALKA

Ujeedka safarka Gaas ee Tukaraq ayaa salka ku haya koormeer uu ku samayn doono ciidamada iyo sidoo kale bixinta musharaadka ciidanka oo qorshuhu yahay in la siiyo ciidamada xuquuqdooda ka hor inta aysan dhicin doorashada madaxtinimada Puntland oo ku beegan Sideeda bisha koowaad ee sanadka 2019.

RIIX HALKAN OO KA DAAWO MUUQAALKA

Dr. C/weli Gaas ayaa sheegay in uu booqan doono jiida Tukaraq ka hor inta aanan la siinin ciidamada mushaharkooda, waxaana saraakiisha ciidamada Puntland uu amar ku siiyey in wax mushahar ah aanan la siinin askari kasta oo dibed joog ka ah jiidaha Tukaraq ee ciidamada Puntland.

Saraakiisha ciidamada difaaca Puntland oo ka xumaaday hadalkan kasoo yeedhay madaxweyne Gaas ayaa qaarkood waxa ay sheegeen in ay haatan ciidamadooda ay kala bixi doonaan deegaanka Tukaraq maadaama shuruud looga dhigay in uusan wax xuquuq ah ku lahayn xukuumadda Gaas askarigii dibed joog ka ah deegaanka Tukaraq.

Gaadiidka dagaalka iyo ciidamo kala duwan oo aad u culus ayaa kusii qul qulayaa jiida Tukaraq, waxaana xiisad cusub laga dareemayaa deegaankaasi.

RIIX HALKAN OO KA DAAWO MUUQAALKA

7 thoughts on “DAAWO:Madaxweyne Gaas oo Tuute u xidhan doona Tukaraq & Saraakiisha ciidamada Puntland oo amar la siiyey

  1. jeegaanta puntland”: Mareexaan oo 49 sano kadib gumeeysanaa Hawiye iyo Raxanweyn ,halka Isaaq iyo Majeerteen ka xoroobeen – Ogaadeen maxeey ku jawaabeen muuqaalo goos goosa

    Reply
  2. PUNTLAND: DHANKEE U DHACAYAAN DABAYLAHA DOORASHADU?…
    ————————————————————————————————————–
    Kal walba amin taan oo kale, odayaasha dhaqanka ee beelaha reer Puntland waxay soo saaraan lixdan iyo lix xildhibaan. Kuwaas oo la waydiisto inay ka soo dhex xulaan koox musharaxiina ninkii haggaamin lahaa Puntland shanta sano ee soo socota.

    Reply
  3. ********* HAPPY NEW YEAR **********************

    Ummadda SOMALIYEED MEEL WALBA OO AY JOOGTO GAAR AHAAN

    1- SULDAAN CUSMAN CAWAD
    2-ISLAAN MINGIS TUME
    3-ATOORE BAADIYE
    4-CALI
    5-GARAAD KEYSE
    6-SAEED
    7-ISLAAN WAAYEEL
    8-MOORYAAN SOMALI DILE
    9-ALI
    10-AHMED
    11-SABIILLANDER

    GABDHAHA SHARAFTA HUWAN

    1-MARWO GABAR HARTI
    2-MARWO BARWAAQO
    3-MARWO HIBO
    4-MARWO AMINA

    WAXAA SANADKA CUSUB 2019 IDIN RAJEYNAYA CAAFIMAAD,CIMRI DHEER & CIBAADO SUUBAN.

    **************** HAPPY NEW YEAR ******************

    Reply
  4. Dawlada Federaalka ayaa xaga u dirtay Gaas waana la qabanayaa inshalaah si maxkamad loo soo taago inta soomaali uu dhameeyay baa loo haystaa Una fiirsada kursiga markii laga tuuro Maraykanka uu tagi doono dacwadiisa waa qorantahay ilaa uu waalidiisa ay cadato oouu dharka tuurto Waxaa sugaya waa dhulbahante, Habargidir, Isaaq Tanade iyo qolyo kale uu dhibateeyay

    Reply
  5. daarood halamash tukoraq ayey ku hadaaqayaan markay isa soo sharaxayaan laakiin kii tuulada gadhowe yimaadaaba waa inuu xishood sameeyee taasi waa xaqiiq, meel libaax soo galay lo ma joogatsokkkkkkkkk

    mid la yidhaahdo cali cabdi awaare ayaa iga qosliyey wuxuu yidhi saraakiisha somaliland ayaa diirad ku soo eegta kaas gaaban ee xaluska buurani ma c/weli gaas ba mise waa camey kkkkkkkkkkkkkkkkkk adeer edeb sameeya digniintii u dambaysay ayey qabtaaye tuulada gadhoowe.

    Reply

Post Comment