Daawo:- Musharax Deni “Gaas wuxuu yiri Laascaano faataxo laguma qabsan laakin Tukarraq buu Inaa-Acdaynaa kubixiyay”.

Musharax Siciid Cabdullaahi Deni oo kamid ah Musharixiinta Puntland kuwooda ugu cadcad ayaa maanta si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Soo dhaweyn kadib musharaxa ayaa la hadlay taageerayaashiisa wuxuu markale weerar adag oo afka ah ku qaaday Madaxwaynaha waqti xileedkiisa gabagabada sii maraya ee Cabdi wali Maxamed Cali Gaas.

Halkaan Riix si aad udaawato Muuqaalka

Deni ayaa sheegay in Gaas uu kufashilmay balanqaadyadii uu sameeyay xilligii uu Musharaxa ahaa kuwaas oo ay kamid ahayd in uu soo celin doono Laascaano.

Wuxuu sheegay in uu laascaano soo celiyo iska daayee xitaa uu dhul hor leh bixiyay sida Deegaanka Tukkaraq waxaana uu Musharaxa yiri “Gaas hadii uu yiri Laacsaano Faataxo laguma qabsan Inaa Acdeynaa ayuu ku bixiyay Tukarraq”.

Halkaan Riix si aad udaawato Muuqaalka

8 thoughts on “Daawo:- Musharax Deni “Gaas wuxuu yiri Laascaano faataxo laguma qabsan laakin Tukarraq buu Inaa-Acdaynaa kubixiyay”.

  1. ASC.
    Shaki la’aan Gaas kuma uu fashilmin inta badan wixii uu balan qaaday doorashadii hore.Inta dhiman iyo inkaloo lagu daro Insha Allaah doorkaan baa la dhammaystirayaa.

    Laascaano.
    Laascanood dadkii u dhashay baa bixiyey oo la aaday meel ay shaxaad uga heli karaan.Haddeed xoolo ama dhul dadkii lahaa beecinayaan yaa beeca ka joogin kara?

    Gaas waan ku raacsanahay in uusan ku deg-degin dagaalka Tukaraq.Waayo lama hayo wiilashii u dhasha Tukareaq.Wiilashii reer Tukaraq danahooday wataan ee yaa u dagalamaya dhulkooda.Haddii ay diyaar yu yahiin in loo hiiliyo diyaar baa loo yahay ee ayagu marka hore ha iskeeneen.Wiilashii dhulbahante oo QAYILAYA in ay wiilal Majeerteen ku dhintaan xabadaha Isaaq iyo caado qaatayaasha ay qaadka u daadiyaan maqcuul ma aha ee dhulbahantoow diyaar ma tahay?

    Reply
  2. Dagaalkaas looma baahna Dhulbahante ayagaa bixiyay ayaga ha heshiiyaan oo hasoo ceshtaanDagaalkkkkkka wuxuu u baahanyahay dadka xabada ridaaya ka sokow dhaqaale xoog badan Dowladaha waaweyn ayaa ku riiqay Puntlandna waa ku baabaday kuwii lahaa degaanadaasna waxay joogaan Hargaysa maxaa xoogaaga la iiga soo qaaday oo aan ku dhisilahaa isbitaalada loogu biiixinayaa dad 10 weji leh

    Reply
    1. ASC.
      KU:Dab La Riday.
      War ma waxaad soo kormeeraysaa mashruucyadii uu Gaas idiin qabtay?Waan filayaa in aad ku faraxsan tahay wax qabadka Gaas ee hadalada ad halkaan soo dhigtid dad kalaad maqashiinaysaa.

      Reply
  3. “Cade muuse wuxuu bixiyey laaska c/wali tukaraq, wiil kale oo MS ah oo yoocada bixiya ayaa loo baahan yahay kkkkkkkk

    MS dulli dulli dhalay oo caada qaata yaal ah..
    Cidkale inay nolaato ma ogala mana dhargaan..

    Reply
    1. KU:Waayeel.
      Horaan kuu iri nin habaartamay waa mid itaal waayey.Doqon yahoow yaad ku eedaysaa hawlaha ad adigu dayacday?Adigaa isdhigay halkaad maanta ka kici la dahay ee adigu iseedee.Adigaa dalkaagii iyo dadkaagii siistay QAYILAAD.Horaa soomaali u tiri horay u cune dib uma cuno.Mar horaad ku soo qayshay danahaagii muhiimka ahaa.Markaad qayilaysey anigu waan dhididayey oo dhibtoonayey.Markaas waad qosleysey aniguna waan daalanaa.Lix biloodba meel baad iska dhiibtaa oo ad ka qayishaa.Taas baana dhaqan iyo caado kuu ah.Yaa kaa dhulweeyn?Yaa kaa dad iyo xoolo badan?Waxaas oo dhan kuuma muuqdan ee waxaa kaaga fiican Qaad iyo Qayilaad hargeeysa laguu daadiyo.Haddii ad nin raga tahay adigaa laguu soo shaqo tagi lahaa.Waayo waxaad leedahay dhul iyo xoolo qani ah.

      Reply
  4. ASC.
    KU:Waayeel .
    War waxaad tahay mid mudo hore seexday walina hurda.See buu Cadde Muuse ku bixiyey Laascaanood?Waad ogtahay in ay Qaad siisteen raggii u dhashay laascaano ee maxaad ugu dambaabaysaa nin waa hore dhintay?

    Reply
  5. Marabo inaan beeldhan wax Ka sheego, laakiin sheekadaan bintiland waxey u eg tahay mid soo gabagaboobeeysa, Garoowena waan arki doonaa iney magaalo sinoqoto, laascaanood dadkii lahaa baa jooga, maxaa se kaa jira Tukarakh, waxa loo socdaa waa yoocada. Islaantii reer khalafna hubkeedii waa loo celin.

    Reply

Post Comment