AKHRISO:- Puntland oo si rasmi ah ugu eedeysay Villa Somalia in ay qalqalinayso Doorashada 2019.

Warsaxaafadeed kasoo baxday madaxtooyada Puntland ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee Puntalnd iyo doorashada la filayo in ay dhacdo 8-Janaayo 2019.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in doorashada madaxweynaha Puntland ay u dhacayso sidii loogu talo galay isla markaana aan lagu samayn karin wax farogelin ah.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu taageeray gudigii ansixinta iyo xalinta khilaafaadka golaha wakiilada ee uu dhawaan magacaabay madaxweyne Gaas iyadoona shacab weynaha Puntland loogu baaqay in ay u diyaar garoobaan kana qeyb qaataan amniga guud ee Puntland.

Lahjada loo adeegsaday warsaxaafadeedka madaxtooyada Puntland kasoo baxay ayaa laga dheehan karay digniin ku socota dowlada Federaalka iyo muujinta in aanay jirin haba yaraatee farogelin lagu sameyn karo doorashooyinka Puntland ay galayso horaanta sanadka Cusub inkastoo la qiray in ay jirto farogelin ay dowlada Federaalka ay ku hayso doorashada madaxweyne ee Puntland.

Hadaba warsaxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa u qornaa sidatan:

Dowladda Puntland waxay u xaqiijinaysaa dhammaan shacabka Puntland inaan wax khalkhal ah lagu samayn karin doorashooyinka, guddiguna shaqadiisa si habsami ah u bilaabayo, isla markaana doorashadu waqtigeedii ku dhacayso laguna wargelinayo shacabweynaha Puntland inay u diyaar garoobaan doorasho, kana qayb qaataan amniga dalka.

Halkaan hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka:-

7 thoughts on “AKHRISO:- Puntland oo si rasmi ah ugu eedeysay Villa Somalia in ay qalqalinayso Doorashada 2019.

  1. Dawladda federalka xaq dastuuri ah bay u leeyahay inay faro geliso doorashiyinka maamul beeleed yada dalka Ka dhisan, horjooge kastaa oo waqtiga Ka dhammaday wuxuu ku raftaa eedaymo iyo faragalin taasoo ay isaga indho tirayaan wajibka sharciga ah ee dawladda ay u leedahay inay qayb Ka ahaato doorashoyinka maamul beeleedyada taasoo ah mid dasturi ah, waa khadab in doorasho kastaa hadal Ka imaanayo waayo horjooge beeled kastaa wuxuu doonayaa inuu wax is daba mariyo ama doorashada dib u dhigo, Gaas caado ayuu u leeyahay xag xagashada dawladda dhexe abaabul wayn buuna u soo galay inuu soo laabto laakiin waa la shubi jiray hore ayaa loo ogaa damaciisa waalida ku dhisan, si fool xun baana looga eryi doonaa xafiiska insha allah waallida ha iska soo daweyo.

    Reply
    1. KU:Kayse.He or she.
      Adigu waxaad tahay falastiiniga soomaaliya.Horaan kugu iri markaad xor noqotid ila soo dood.Markaad noqotid nin raga ila soo tartan.Markaad dalkaaga xoraysid ka soo qeyb gal shirarka iyo wada xaajoodka ay wadaan ragga wax ku oolkaa.War xaggee bay joogtaa dawlada federaal ah?Haddii ay jirto dawlad federaal ah may xukunto meesha ay dagan tahay.Calaa kulli xaal doorashada gobalada xamar shaqo kuma leh ee saas la soco.

      Reply
  2. Soomaali waxaay tiraahdaa
    CIIRTAADA DHAMAA CAAYDAADA YAQAAN.
    Gaas dhibaatada haaysataahi waxa weeye umad markeedii horaba la karbaashi jiray ayuu damcay in yiraahdo war ka daaya waa HARTIYE kk kk kkkk maxaa ka raacay waataa maanta isagii ayuu karbaashkii soo gaaray,GAAS anigu waxaan leeyahay hadii uu mar labaad calaf uu kuu galo in aad soo laabato umadan la gumeeyay ka har oo dadkaa aay is dhaqan yaqaanaan u daa,duul ilaa xiligii AFWAAYNE jawaasiis ahaa ayaad doonaaysaa in aad horboodo walee waad uun ku lumi……..
    Ninbaa laga sheegay MAXAA LAAYGA SOO HELAYAA BARI UUN BAAN LUMIYE,

    Reply
  3. @somaali

    Walaal kadaa kala gurka iyo qabyaala dadka gaas waa shaqsi muddo kooban ayuu xil haye yahay, meeshan puntland ah majerteen kaligood malahan.
    Shaqsi website aad ku fadhi diriray saan dhulbahante haku colaadin. Dhulbahante awood qaybsi iyo siyaasad dhexdooda ah bay ku qaybsameen ee puntland wey kula leyihiin, dhib kastoo loo soo maray puntland dadka kale wey laqabaan dheeftana waa laga qadiyaa. Hadaynu dhibsan nayno wax wada lahaansha walaalaheen aynu xeradeena oodano majerteeniyana ula baxno. 75% dhulbahante waxaad qabnuu nala qabaa jifada iyo barka isaaq ushaqaysa hadaynu tabar u waynay maahan kuligood aamini wayno. C/wali isku jifo yaan nahay saas oo ay tahayna siyaasada ina camey baan taageeraa because fullay maahan.
    Laga yaabe ina camey inuu siyaasada qasan ee fededalku dalka galiyey qayb kayahay, haday sidaa tahayna ha israaceen labada cabdi, lkn yeynaan qabyaaladay arimaheena local ah.

    Reply
    1. KU:Waayeel.
      Miskiin yahoow maxaa meesha keenay majeerteen?Ma Majeerteen baa dooranaya madaxweynaha?Khashiin baad tahaye soo ma ogid in ay madaxweynaha puntlaan doortaan 66 qof kaliya.66 lixdaas qof oo isugu jira reer puntlaan oo dhan.Ka fiirso waxaad ku hadashid.Tan kale dalka puntlaan inta u dhimata difaacda puntlaan Majeerteen baa u badan 95 %.Soo baro nidaamka ka jira puntlaan.

      Reply
    1. KU:Waayeel.
      Miskiin yahoow maxaa meesha keenay majeerteen?Ma Majeerteen baa dooranaya madaxweynaha?Khashiin baad tahaye soo ma ogid in ay madaxweynaha puntlaan doortaan 66 qof kaliya.66 lixdaas qof oo isugu jira reer puntlaan oo dhan.Ka fiirso waxaad ku hadashid.Tan kale dalka puntlaan inta u dhimata difaacda puntlaan Majeerteen baa u badan 95 %.Soo baro nidaamka ka jira puntlaan.

      Reply

Post Comment