DEG DEG+DAAWO: Diyaaradi sida gaari Xabad karin & ilaalo oo ka degtay Garowe & Musharax laga hagayo Muqdisho oo gaaray

Musharax Madaxweyne Maxamuud Khaliif Xassan Jabiye, iyo gaari aan xabadda karin (Bulletproof) ayaa ka degay garoonka diyaaradaha Garoowe.

Musharax madaxweyne Mr Jabiye ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Garowe halkaaso oo ay isugu soo baxeen dadweyne aad u fara badan oo musharaxa taageersan.

Maamulada Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa galaya doorashado xasaasi ah oo ay ku loolamayaan musharaxiin laga taageerayo Muqdisho iyo madaxweynayaal doonaya iney xilka ku soo laabtaan.

Magaalada Baydhabo waxaa ka jira loolan adag oo dhanka doorashada ah,waxaana halkaasi gaaray musharaxiin badan oo ay ku jiraan kuwo taageero ka helaya Xukuumadda Muqdisho.

2 thoughts on “DEG DEG+DAAWO: Diyaaradi sida gaari Xabad karin & ilaalo oo ka degtay Garowe & Musharax laga hagayo Muqdisho oo gaaray

  1. ASC.
    Gaari aysan xabaduhu KARIN loogama baahna garoowe.Sababtoo aha puntlaan nabad baa ka jirta oo qofwalba nabad buu ku mari karaa meeshuu muraado.Puntlaan waxaa caawa ku wada sugan musharaxiin badan mana wataan baabuur aysan xabaduhu karin oo magaalooyinka puntlaan nabad bay ku dhex mushaaxayaan.Tan kale nin laga soo xawilay xamar puntlaan qeymo weeyn kama leh oo waa nin ijaaran.Nin ijaarana puntlaan ma xukumayo.

    Reply
  2. Ama taageera am ha taageerina sow codka musharaxiinta siinmaayaan Tuugadii jihalada qabiilka iyo xulufeysanaysa ee Baarlamaan ku sheega Kuwaas waye ragii keenay gacan ku dhiigle Gaas oo dagaal aan loo baahnayn meel walba ku kiciyay bal yaa u dirsaday Waa in maxkamad la soo wada taagaa

    Reply

Post Comment