DAAWO VIDEO:Muuse Biixi oo Wasiirka Ictiraaf Raadinta Dhulbante U Magacabay Naf Na Ka Raadiyey

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isku shaandheyn ku sameeyey golaha wasiirada, isaga oo xilka ka beddelay wasiiro caan ah sida wasiirka arrimaha dibedda Sacad Cali Shire, oo loo wareejiyey wasaaradda maaliyadda. Muuse Biixi ayaa sidoo kale magacaabay wasiiro cusub. Wareegto uu soo saaray Biixi hoos ka aqriso.

Halkani Riix Video Ictiraaf Raadinta

WAR-SAXAAFADEED: 10 /11/2018

Wareegto Madaxweyne [ Magacaabid iyo Isku-beddel ] Markaan Sameeyey La-tashi Ballaadhan Waxaan Go’aamiyey In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1. Cismaan Jaamac Aadan Iimaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

2. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga.

3. Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Sidoo kale In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan:

1. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ( Faratoon ) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

2. Sacad Cali Shire – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

3. Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame (Dhaga-weyne) – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

4. Maxamed Daahir Axmed Furreh – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

5. Axmed Abokor Maxamed Yuusuf – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

6. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka.

7. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi

2 thoughts on “DAAWO VIDEO:Muuse Biixi oo Wasiirka Ictiraaf Raadinta Dhulbante U Magacabay Naf Na Ka Raadiyey

  1. Somaliland”: Types And Elements Of Power” Sharing” Is Not Based Or Rule Of Law
    (In the Regions”, Power Sharing”)?……… (Sadbursi)”?… Deh….
    ———————————————————————————————————————————–
    Siyaasad”: Ku Dhisan Qaab” Geel – Qaadnimo Iyo Is Boob?……….
    ———————————————————————————————————————————-
    (waa Maadeeys” Aduunyadu nimamka Qaade-Qaatayaashu dhulbahante Matalayaan)
    RIWAAYADII MAGACEEDU AHAA (WAA MAADEEYS ADDUUNYADU DADKUNA MATALAYAAN)

    Reply
  2. Asc wrm bacda salaan waxaan wax yar jeclahay inaan ka taabto isku shaandhaynta uu ina biixi ku sameeyey golihiisa maamul ama wasiirada,
    (1) Marnaba ma filayan in Muuse Biixi iyo maamulkiisa siyaasad ahaan uu ciyaari karo siyaasad wax ku ool ah meeshay doonto ha la gaadhee, waxaa Somaliland mudo ku hawlaneed sidii ay ula tacaali lahayad siyaasadeeda geeska africa balse maanta waxaad moodaa in ay fahantey meesha albaabku ka xigo haba u furmi waayeee.
    Waxaan aad uga dheregsanahay in Madaxweynaha Somalia Farmaajo uu albaab kasta ka soo xidhay maamuladii wadanka ka jirey taasina ay saamaysay xataa Somaliland markaa si taasi looga hortago waxay Somaliland yeelatay wada tashi arinkaa lagu wajahayo taladiina wxay noqotay in arinka loo dhiibo nin ka soo jeeda beesha sool sanaag iyo Buuhoodle si uu ergo eheliyan ah ugu dirsado beelaha daaroodiya sida Farmaajo ama cagjarka ethiopia. Markaa wxaan sugnaaba waa Balan Eegno.

    A Hassan

    Reply

Post Comment