Boqor Burhaan iyo Isimadii katimid Jubbaland oo maanta gaaray Dhumay + AKHRISO magacyada Isimada.

Degaanka Dhumay ee gobolka Sanaag waxaa maanta gaaray wafti isimo ah oo ka kala socda Puntland iyo Jubbaland, waftiga ayaa halkaasi u tegay sidii loo damin lahaa colaada u dhaxaysa labo beelood oo walaalo ah oo wada dega degaankaasi.

Wafdiga Isimadda oo uu hoggaaminayay Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa shalay gaaray magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool, iyagoo maanta u ambabaxay Degaanka Dhumay  oo ay ku sugan yihiin mid ka mid ah beelihii dirirtu dhexmartay.

Wasiiro iyo masuuliyiin Somaliland  u xilsaartay nabadaynta beelaha Degaanka dhumays  ayaa loo diiday in yimaadaan tuulada Dhumay, waxaana loo ogolaaday oo kaliya isimadii ka socday Maamulada Puntland iyo Jubbaland ee Soomaaliya kadib wadahadal qaatay muddo saacado ah.

Isimadda Nabadaynta u tegay Dhumays waxay kala yihiin

Boqor Burhaan Boqor Muuse
Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin
Beeldaaje Cali Faarax
Suldaan Cabdiqaadir Cumar Shabeel
Suldaan Maxamed Jaamac Buurtinle
Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdilaahi Ciise
Suldaani Maxamed Suldaan Cabdilaahi Cartan
Suldaan Ciise Maxamed Ciise
Suldaan Abshir Axmed Jibriil

Wafdiga Isimadda Iyo Waxgaradka Jubaland

Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane
Ugaas Maxamed Sahal Mayala
Nabadoon Xassan Sheekh Maxamed
Ugaas Xussieen Nuur Cismaan
Cabdiqani Sheekh Axmed
Qaasim Sheekh Maxamuud

Tuulada Dhumay ee gobolka Sool ayaa ahayd goobtii dagaalkii ugu xumaa ee labada Beelood  uu ku dhexmaray, waxaana ku dhintay dad gaaraya 50 qof, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 100 qof.

Dhinaca kale, Magaalada Jigjiga ee Dowlad degaanka Soomaalida waxaa ku sugan wafti kale oo isimo ah oo uu ka mid yahay Islaan Ciise Islaan Maxamed oo iyaguna ku howlanaa sidii nabad iyo heshiis looga gaari lahaa colaada ka dhex taagan labada beelood ee walaalaha ah ee gobolka Sool.

One thought on “Boqor Burhaan iyo Isimadii katimid Jubbaland oo maanta gaaray Dhumay + AKHRISO magacyada Isimada.

Post Comment