XOG+DAAWO: Abuu Mansuur oo go’aan culus qaatay,Muqdisho oo laga taageeray,Beesha caalamka & DF oo ku dhegan

Waxaa socda olole lagu taageerayo musharaxnimada Sheikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur,kaasi oo isku soo taagay xilka madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sheikh Mukhtaar Roobow oo dhowaan wada hadal la furay Dowladda hadda ayaa u muuqda mid ugu cad cad musharaxiinta doorashada maamulka Koonfur Galbeed,kaasi oo ololihiisa si aad ah looga dareemayo magaalada Baydhabo.

Bulshada ka soo jeedo Koonfur Galbeed ayaa xaflad lagu taageerayo Abuu Mansuur ku qabtay Muqdisho kuwaasi oo si aad ah hamuun ugu qaba inuu Muqtaar doorashada ku soo baxo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay go’aan ah inuusan Sheikh Mukhtaar uusan u tartami Karin doorashada maadama uusan buuxin sharuudaha looga baahnaa.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA:-

 

Post Comment