DEG DEG; Maxaadan Ogeyn oo maanta ka cusub Tukaraq & dhaq dhaqaaq ciidan oo la soo sheegayo

Warar cusub oo maanta Shabakadda Marqaannews.net ka heshay deegaanka Tukaraq  iyo guud ahaan Gobolka Sool ayaa sheegaya in la dareemayo dhaq dhaqaaq ciidan oo ay wadaan Ciidamada Maamulka Puntland.

Dhaq dhaqaaqa ciidan ayaa intiisa badan laga dareemayaa deegaanka Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan Ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Jabhaddda Taliye Caare oo gacan ka helaya Ciidamo ka tirsan Puntland ay doonayaan iney deegaanka Tukaraq ka riixaan Ciidamada Somaliland ee ka amar qaata madaxweyne Muuse Biixi.

Beesha caalamka iyo Dowladda Federaalka ayaa ku guuldareystay iney kala dhex galaan Labada Maamul ee muran dhuleedka uu ka dhaxeeyo.

 

Post Comment