DAAWO:Gabadh uu Dhalay Dr Cali Khaliif Galaydh oo Nin Cadaan Guursadey Aroos Cajiibana U Dhigay.

6 thoughts on “DAAWO:Gabadh uu Dhalay Dr Cali Khaliif Galaydh oo Nin Cadaan Guursadey Aroos Cajiibana U Dhigay.

  1. Aroosku waa wax lagu farxo oo loo riyaaqo. Waxaanan leeyahay Mabruuk. Labadii isku waara ee ubad kheyr qabana idinsiiya Alle ha’idinka galo.

    Dhanka kalena waxaan diiday Aroos Gaalkan loo dhigay. Wuxuu u’eg yahay Aroos Masiixi ah ama Yuhuudi ah in loo qabano. Waayo inantii waxa galbinaya Aabaheed iyo Hooyadeed. Inankii Altarka ayuu kusii sugayaa. Waxaanan la tusin uun sawirka Baadarigii meher gaalka samaynayay.

    Saas oo ay tahay Illaahay isaga ayaa macbuud ah oo qofwalbaaba camalkiisa sax iyo khalad xisaabinta doona. Issaga ayaa wuxuu ka yeelayo garanaya.

    Reply
  2. Muslim ama gaal ha ahaadee ajanabi meel ku geyn maayo! Marka ilmahaaga aad lacag aad ummadda kasoo dhacday ku korisid maxsuulku wa kaas!!

    Maanta Cali reerkiisiina SNM buu u hibeeyay, gabadhiisiina nin ajnebi ah ayuu u hibeeyay!! We knew he always had an inferiority complex!!

    Reply
  3. Jama

    Kala saar siyaasada iyo arimha kale. Kana istaaqfuruleyso ereyada aad kaftanka moodeyso eensan kaftanka geli.

    Cali arintan qurbojoog oo dhan ayuu kala simanyahay. Caruurta halkan ku kortaa ciday jeclaadaan ee ay rabaan ayuunbay guursadaan. Hadaad diido intay kaa tagaan ayay iska guursadaan oonay dib danbe juuq iyo jaaq kuugu soo odhan. Dhaqanka gaalada ayay qaar iska qaataan. Waalid iyo xushmeyn iyo wax kale doona dan kama galaan.

    Kuwa xitaa diinta lagu barbaariyo eenan masjitka ka dhamaan ayaa Ajahanabi u keena waalidkood. Ka/ta mid muslim ah keena ayaaba nasiib badab.

    Jaamacow beri ka maalin inantaadu nin gaalnimo ku guursada ayay kuu keeni kartaa. Markaas iska jir weedhaha dib kuugu soo noqon kara adiaga.

    Siyaasadu waa halkeeda oo taas sidaad doonto baalaha uga rif. Tanise waa arin qoys oonan siyaasad shuqul ku laheyn. Cali laga yaabee markuu u taag helli waayay uu kala doortay inuu inantiisa uu jecelyahay deyriyo iyo inuu intuu iska samro iska aqbalay.

    Eitherway I feel sorry for him. May aheyn in sawiradan oo kale miidhiyaha ladoo dhigo. Waxay aheyn la qadariyo qoyskaas.

    Reply

Post Comment