DAAWO: Xasan Sheikh oo sir culus ka fashiliyay Mukhtaar Roobow & Sababo uusan ku tartami karin

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay ololaha doorashada ee uu wado wadaadka Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo horey uga tirsanaan jiray ururka Al Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa wuxuu sheegay ilaa hadda in aysan cadeyn mawqifka Roobow ee ku aadan ka bixista Ururka Al Shabaab, kaasi oo ka mid ah xubnaha musharaxiinta ah ee u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay Muqtaar Roobow in laga doonayo dhawr siyaabood inuu ku qeexo sababaha uu kaga tagay Al Shabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay Xasan Sheekh sax in aysan aheyn in hada uu u  soo istaago doorasho, maadaama weli uusan cadeyn inuu ka tanaasulay fikirka argagixisinimada, wuxuu kaloo sheegay in ilaa hadda ciidamadii uu watay ay weli duurka ku jiraan.

“Qodob waa jiraa oo dastuuri ah ninkan waa muwaadin, wax ka reebaya doorasho ma jiraan, laakiin waxaan qabaa in aysan sax aheyn hada inuu u soo istaago doorasho, mashruucii uu ku jiray weli ma dhameystirna, Muqtaar weli ma cadeyn inuu ka soo horjeedo argagixisada, Shabaab iyo isaga inay is dirirsan yihiin wax dhib ah ma lahan, dhexdooda maalin walba ayay diriraan, wiilashiisa weli duurka ayay ku jiraan, waxaan qabaa in hada aysan wanaagsaneyn inuu isa soo sharaxo.”. ayuu yiri Xasan Sheekh.

Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa ahaa hoggaamiye kuxigeenkii Ururka Al Shabaab, sidoo kale wuxuu soo noqday afhayeenkii Al Shabaab, hadase wuxuu ka mid yahay musharaxiinta Koonfur Galbeed, inkastoo wasaaradda amniga war ay soo saartay ku sheegtay inuusan tartami karin wadaadkan, balse isaga weli waxa uu iska wataa ololahiisa doorasho.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA;-

One thought on “DAAWO: Xasan Sheikh oo sir culus ka fashiliyay Mukhtaar Roobow & Sababo uusan ku tartami karin

Post Comment