AKHRISO: Muuse Biixi oo war cad ka soo saaray Xisbiyada Mucaaradka Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta qasriga madaxtoyada Somaliland, waxa uu hadalkiisa diiradda ku saaray arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee qorshaysan sanadka soo socda ee 2019-ka, deeqaha waxbarasho ee dawladda Itoobiya siisay ardayda reer Somaliland oo ay hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaridku siyaasadeeyeen iyo shir-beeleedyo qarannimada ka dhan ah oo guddoomiyayaasha xisbiyada WADDANI iyo UCID ay ku dhawaaqeen qabashadooda.

Ugu horrayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada la wadaagay dedaalka uu madaxweyne ahaan u galay sidii doorashooyinka wakiillada iyo deegaanku u qabsoomi lahaayeen iyo sida axsaabta mucaaridku, gaar ahaan xisbiga WADDANI u ragaadiyey qabsoomidda doorashooyinkaas, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri, “Doorasho in la qabtaa waxa ay u baahan tahay in toban bilood loo diyaar garoobo, markii aynnu doorashadii hore kasoo baxnay ee aynnu xukuumadda dhisnay komishanku waxa ay isugu yeereen axsaabta, waxana ay nasoo hor dhigeen Barnaamujkii doorashada lagu geli lahaa oo toban bilood ah iyo maalin, bil iyo toddobaad walba wixii la qaban lahaa, saddex arrimood oo kala ah laba doorasho oo isku sidkan oo tii Baarlamaanka iyo tii dawladaha hoose ah oo mid waliba sharci gaar ah hore u lahayd sidii loo midayn lahaa labadooda sharci, ka labaadna wuxuu ahaa in lacagtii doorashadaas lagu qaban lahaa in la keeno, ta saddexaadna waxa ay ahayd in saddexda xisbi iyagaa doorasho galaye wixii saxmay iyo wixii qaldamayba iyagaa laga doonayaa inay keenaan soo jeedin ah halkaas waynnu ku qaldannee aynnu ka baydho, halkaasina way wacnayde aynnu sii xoojinno.”

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hoosta ka xarriiqay in dhammaanba qorshayaashii lagu hirgelinayey inay doorashooyinkaasi qabsoomaan uu xisbiga WADDANI si cad isu hor taagay, carqaladayntaasina kasoo bilaabantay khudbaddii uu guddoomiyaha xisbigaas, Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) jeediyey markii lagu dhaqaaqay natiijadii doorashadii madaxweynenimada ee dalka ka qabsoontay sannadkii hore ee 2017-kii, waxana uu yiri, “Wixii intaas ka dambeeyey xisbiga WADDANI waxa uu saaray qaraar uu leeyahay la shaqayn maynno komishankaas jooga iyada oo la kala diro mooyaane, sababtoo ah doorashadii hore ee madaxweynaha ayaannu wax ka tirsanaynaa”

Muuse Biixi, waxa uu xusay inaanu madaxweyne ahaan awood u lahayn inuu kala diro komishanka doorashooyinka, balse ay arrintaasi sharci ahaan marayso jaran-jarrooyin badan oo u baahan caddaymahooda iyo qaneecadooda, islamarkaana uu madaxweyne ahaan hore u qaaday tallaabooyin badan oo lagaga badbaadi karo dib u dhac doorasho, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri, “Komishanku waqti buu leeyahay, aniguna ma kala eryi karo, Cirro-na wuu u ogyahay sida loo eryo komishanka, waana waddada ugu adag oo iyagaa Baarlamaanka ka adag, marka la kala dirayona iyaga oo isku dhan lama kala diri karo, mid mid baa eryi karaa, qofkana waa lasoo eedaynayaa, guddi baa loo saarayaa, haddii ay guddidaasi isku raacdo madaxweynuhu tallaabo ma qaadi karee Baarlamaankaa loo gudbinayaa, cod baana loo qaadayaa, guddida la saarayo iyo aniga oo guddida la leeyahay saarba waa inaan ku qancaa waxa lagu soo eedeeyey, tii ahayd inay xisbiyadu soo qoraan wixii xumaaday iyo wixii wanaagsanaaba xisbiga WADDANI wuu diiday inuu asalba arrintaas ka hadlo, UCID iyo KULMIYE way qoreen, ururrada bulshadana waa lagu daray, anigana waa la ii keenay oo golaha wasiirrada ayaan geeyey, waana la ansixiyey, imikana waxa ay la taallaa Baarlamaanka.”

5 thoughts on “AKHRISO: Muuse Biixi oo war cad ka soo saaray Xisbiyada Mucaaradka Somaliland

  1. Marqaan News, reeraha Isaaq ee isla dhexdooda magacyo xisbi iskugu mucaaradaya annaga war macna leh ha inooga dhigina jaalleyaal. Waa “fake News” sida hadda caalamka looga yaqaanno.

    Waxay ka mid tahay cajaa’ibta casrigeenan 12aad in uu qabiil yari qaran is moodo.

    Reply
  2. kkkkkk SOMALILAND”: LABO HARAGA ISKU HEYSTA HOOYADOOD WAA SIDEE?
    ———————————————————————————————————————————————-
    Muusoow Ogoow Qarankaaga Soomaaliyeed Ayaad Dad Ku Tahay.

    Reply
  3. All maxaaumad maseyrtay meesha iska dhoobdhhoban. Markay Somaliland maqlaan ama Madaxweynaheeda Mudane Muuse Biixi Cabdi indhaha ka qaadaan ayaa khalkhalsan iyo isku dhex yaac ku dhacaa. Kkkkk

    Anna jabkooda waan ku raaxeystaa.

    Muraara dilaacooga waxa aad ka fahmi karaysaa QUUSTA ay ka joogaan MOOGE. Farmaajo hadii uu sidaas Muuse oo kale inta fagaaraha is keeno, uu kolba arinta maalintaas taagan ka hadlikaro, oo uu dadka usoo bandhigi Karo fikradiisa ama halka ay xaajo ka murgacan tahay, oo uu su’aalaha saxaafada iyaga oonanla shaandheyn oo sidaas maantaba handaraabka isaga oo xay ah hortiisa loogu yeedhay isna MOOGE iyo BUSTE WEYNE loo yeedhi kari lahaa, oo uu sidaas cad oo kale u jawaabi kari lahaa, carabka ayay cirka la gaadhi lahaayeen. Faankooda iyo fututukhdooda lagama fadhiisan kareen.

    Laakiinse waxa ay quud dareynayaan nin aanan dhibtooba Dan weyn ka laheyn. Farmaajo jaqoo jiif iyo dhoofbuu ka dhamaan la’yahay. Waana shibane dadka ka gabada. Waa fule aanan su’aalaha adagtahayna ama xaajooyinka qalafsan wajihi Karin.

    Hadal iyo dhamaantiis anigu tawaawaca nimankan kasoo yeedhaya waan ku diirsanayaa.

    Reply

Post Comment