XOG+DAAWO: Jarmalka oo joojiyay dhimsaha Wadada isku xirta Garowe & Gaalkacyo+Masuq maasuq hareeyay…

Dowladda Jarmalka ayaa waday mashruuc lagu dhisayey Wadada ixriirisa Magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo,balse waxay sheegtay inay u joojisay sababo la xiriira Musuq maasuq.

War-Saxaafadeed ka soo baxay Safaarada Jarmalka ee Magalada Nairobi ee dalka Kenya  ayaa waxaa lagu sheegay in mashruuca Wadadaas lagu dhisayay ay u joojiyeen sababo la xiriira daahfurnaan la’aan ka timid  dhinaca hay’adda waddooyinka Puntland ee(PHA).

Sidoo kale War-Saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in mashruuca dhismaha uu qorshuhu ahaa inuu bilaawdo bishii April ee 2017,islamarkaana la soo geba-gabeeyo bishii May ee sannadkaan 2018,balse uu ku suurtageli waayey daahfurnaan ka timid dhinaca Hay’adda Wadooyinka Puntland ee dhinaca PHA.

Warka ka soo baxay Safaarada Nairobi ee Dowladda Jarmalka ayaa sidoo lagu sheegay in joojinta mashruuca lagu dhisayey Wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo la ogeeysiiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

Si kastaba Shalay ayaa joojinta dhismahaas waxaa War ka soo saarey Puntland focus Group oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedka Puntland.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA:-

3 thoughts on “XOG+DAAWO: Jarmalka oo joojiyay dhimsaha Wadada isku xirta Garowe & Gaalkacyo+Masuq maasuq hareeyay…

  1. Asc wr wb waxaa nasiibdaro ah in cabdiwali gaas oo lagu yaqaano beenaale,fulay, iyp tuugnimo uu maanta wax kale isladasyee uu xaddo mashaaariicdii loogi talagalay shacabka puntland
    Dawlada Germany ha joojiso dhamaan.mashaaricda was ku mahadsan tahay imtii laga ceerimayo cabdiwali uusbiur ,2010 election
    Kano wax dooranaya maleh horeu hanoosii dhaafp tuugaan

    Reply
  2. Ali iskusheeg

    Waaryaa ma magacan bay kaa gayn wayday? Waar ninkaad ka hadlayso waa geesi geesi dhalay oo waqti xasaasi ah dalka kasoo saaray, waana ninka kusoo laaban doona shan sano oo cusub ama qayli ama ha qaylin dalkana wuu xoreynayaa.

    Waar ma kuwii iidoorkii baqday baad tahay oo dadka kolba magac soo qaata?

    Dr Cabdi weli Maxamed Cali Gaas shaadhkiisa u siidaa, dalkiisa tilaabo kamid cidi inay hungiriyayso lagala quusay.

    Guul Dr Gaas iyo shan sano oo cusub.

    Reply

Post Comment