XOG: Ciidanka Sirdoonka DF oo gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo Qaraxyo Maleegayay

Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay Xubin ka tirsan Argagixisada Alshabaab oo maleegayay Qaraxyo lagu waxyeeleynayo shacabka, sida uu sheegay Taliska NISA.

Warkan ka soo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay 2dii September ee Maantii shalay oo ku beegneyd Qaraxii argagixisada Al-Sabaab ku gumaadeen dad shacab ah.

“Howlgal ciidanka nabadgalyadu ka fuliyay Muqdisho 2da Sabtembar 2018, ayaa lagu qabtay xubin Al-Shabaab ah oo maleegayay qaraxyo. Subaxii hore ee maalinkaa ayay Al-Shabaab ku gumaadeen shacab qarax ay la beegsadeen degmada Howl-wadaag.Nagu garab istaag ka hortaga Al-Shabaab si dadkeenu u gaaro nabad”.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la maaganaayeen shacabka Soomaaliyeed

Halkaan Ku Qor Fikirkaada