DHAGAYSO+DAAWO:Gabadhii Facebook Ku faafisay Arinta Laga Naxay oo Hada La Ogaadey Nin Ay jeclayd Furay,Codad Iyo Qoraalo

Iminka SolaPortal waxay idin soo bandhigeysaa siday wax u dhaceen iyo xiriirka u dhexeeyay qoyskan Somaliyeed ee masiibadan ay la soo deristay.

MAXAMED MAXAMUUD AADAN “MAXAMED XULE” iyo NAJMA MOHAMED FARAH Facebook ku soo gasha “AYAAN RORAL FARAH” waxay is guursadeen 6.6.2014 iyagoo ilaahay kala siiyay AFAR CAUUR ah, runtii wax ay kaga duwan yihiin ma leh qoysaska Somaliyeed qurba joogta ah ee dhibaatooyinka soo kala dhex gala.

Arimo hore way jireen iyaga u qaas ah, sida caruur dowlada ay ka kaxeysato iyo dhaawacyo soo gaarayMAXAMED XULE waqti ay xaaskiiskii hore NAJMA ku weerartay aqalkooda.

Halkani ka Dhagayso Codka

3 Sano ka dib Maxamed wuxuu NAJMA ku furay LABA DALAAQ 2.5.2017 ka dib markii dagaal joogta ah ay maalin walba la hor taagneeyd, caruurtiisa marwalba waa uu ka warqabay,marar badan ayay isku dayday in ay isku soo laabtaan iyadoo u sheegtay in gebi ahaan isbedel ay ku sameyn doonto nolosheeda.

Waxay isku soo laabteen 5.10.2017, iyadoo xaalku ahaa sida qoysaska kale ilaalaga soo gaaro SUMMER 2018 xilligaa oo ay bilowday HANJABAAD isugu jirta in iyada iyo caruurta ay TRAINKA ISU DHIGAANiyo muujinta Jaceeylka ay Seygeeda u qabto.

Dagaaladii is daba jooga ahaa markii ay joogsan waayeen MAXAMED wuxuu go’aan ku gaaray in DALAAQADII u harsanayd uu siiyo isla markaana ka guuro aqalakii ay ku wada noolaayeenee TAMA, IOWA 16.8.2018

Hadii si fiican aad u daawataan FACEBOOK LIVE ka 31.8.2018 NAJMA soo gelisay waxay marar badan ku soo cel-celisay in uu ODAYGEEDA ahaa oo SARIIRTEEDA ay ku qabatay isagoo nin kale ay is dulsaaran yihiin.

Iminka aan eegno meelaha ay kala degan yihiin MAXAMED iyo NAJMA si qofwalba uu u fahmo in arinta gabadha ay ka dhawaajisay in ay wax ka jiraan.

Markii ay kala tageen 16.8.2018 MAXAMED wuxuu 17.8.2018 u guuray SIOUX CITY, NEBRASKA oo 230 miles ama 370 KM u jirta magaalada NAJMA ay ku nooshahay ee TAMA, IOWA.

Qoraalka Ninkeeda U Dirtay

 

Solaportar

Post Comment