Deg Deg:Askari Puntland oo Badhan ku Toogtey suldaan Xabad U Furay

Askari ka tirsan ciidamada Puntland ayaa rasaas ku furay gaadhi uu saarnaa Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ah Suldaanka beesha Aadan Siciid/Warsangeli ka dib markii uu ka shakiyay gaadhiga.

Suldaanka ayaana ku geeriyooday rasaasta uu furay askarigaasi.

 

Dilka ayaa ka dhacay bar kantarool oo ku taalla magaalooyinka Hadaaftimo iyo Badhan dhexdooda.

 

Askariga dilka gaystay ayaa la sheegay in uu isku dhiibay isla ciidamada Puntland.

10 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Deg Deg:Askari Puntland oo Badhan ku Toogtey suldaan Xabad U Furay

  1. @ Marqaan Media

    Sida aad wax u tebinaysaan iyo Xaqiiqdu wey kala dheer tahay. Kow

    Beesha Aadan Siciid Ma laha Suldaan ee waxay leeyihiin Nabadoon/Caaqil. Warsangeli Hal Suldaan bay Leeyihiin waana Suldaan Siciid suldaan.

    Xassan cali jibriil ilaahay ha u naxariisto waxaa ku dhacday Xabad khalad ah oo ka soo Baxsatay Askariga.

    Askarigu xita waa warsangeli ma aha MJ.

    Marqaan media Please warka xaqiiqda ka sheega ummadda ilaahay FITNADA ka daaya.

    Qofki warsangeli ah oo manta suldaan sheegta wey iska cadahay in uu yahay ”’ Suldaan sicir barar ah ”’ not Original.

    Somaliya inkasta ilaa 1990 ay sharafta ka qaadeen
    1-Boqor
    2-Suldaan
    3-Garaad
    4-Caaqil
    5-Nabadoon
    6-Ugaas
    7-Malaaq

    Wixiiba waxay noqdeen ”” Ku Qabso Ku Qadi Meyside ”’ isaaqa laga soo wariyey !

    Reply
    1. Suldaanka allaha unaxariisto eheladiisa samir iyo imaan allaha ka siiyo iyo dhamaan warsangeliguu suldaanka u ahaa janatul fardowso Allah hoy hawgadhigo,Aamiin ya Rabi

      Reply
  2. @Royal Greetings, Your Royal Majesty Dab La Riday,

    Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun! Issimka Eebbe Jannada ha ku marti qaado oo ajashiisii baa la kulantay. Suldaan, ha la yaabin qaladaadka ka dhaca saxaafiyiinta maanta waayo waxaanay iska xil saarin cilmi baaris ay ku sii sameeyaan arrimaha ay baahin rabaan – sida lagu yaqaanno saxaafadaha caalamka.

    Si kasta oo ay wax u dhaceen ba, waxaa Sanaag ku kulmay laba xaaladood oo aan is qaban karin:

    (a) Maxamuud Harti oo dareenka tolnimo ee Puntland dhidibbada loogu aasay si aad u sarreysa u muujiyay oo weligood u heellanaa in dheefteeda si siman loo wadaago.

    (b) Maxamuud Saleebaan hoggaankooda oo tolnimada Puntland lagu qotomiyay aan waxba u arkin oo aan mudnaanteeda iyo wax ku dhaw u garanin oo una garan doonin sida ay saansaantu u muuqato.

    Daliishoo ayaan idin siinayaa lagu garto in ay Cabdi Weli Gaas daacad mise munaafaqad ka tahay booqashadiisan gobolka Sanaag iyo “tolnimada” dhoollatuska ah ee ku socdo. Waxaynu ognahay in ay Siciid Hartigu na tolka Sanaag deggan ka mid yihiin, gaar ahaan Naalleeye Axmedka oo Puntland si dhab ah u aaminsan.

    Haddii uu Cabdi Weli Gaas Jiidali mise degmooyinka Siciid Harti booqdo markaasi waa ka daacad, haddii kale waa kadhaab baadi ah ee aan Xeerkeena toleed waxba ka aqoonin oo ahbal ah. Cayn oo lugta ugu horreysa mudnaanteeda lahayd iyo Sool oo xigtay ayuu inta uu ka soo dul tallaabsaday Sanaag isku soo shubay. Sanaag na Dhulbahantaha Puntland ayidsan ayaa deggan ee aynu dhawrno sida ay wax u dhici doonaan.

    Reply
    1. @Fuaad,

      Oo ma waxaad ka waddaa Warsangaliga Dhulbahantaha u dooda in aanu Majeerteenka xaggooda Warsangali dhab ah ka ahayn?

      Toloow ma waxuu ka mid yahay kuwa digir aan ogahay lagu soo koriyay oo qolo aan ogahay ku dhex koray Cabdi Weli Gaas sidiisa?

      Bal adba!

      Reply
  3. Suldaanka qaaliga ah HRH Aarka Sanaag May god reward him Firdowsa paradise

    Garaad Iron-arch-Duke Dablaridey son of the greatest royalty and winner royal bravery award

    ””””””””””””””””””””””””””’Innaa Lillaahi Wa innaa ileyhi Raajicuun””””””””””””””””

    Salaanta qaaliga ah waan idinka qaaday waanan idiinku mahadnaqayaa salaanta iyo maqaalada quruxda iyo wanaaga badan ee maskaxda ku salaysan ee goor walba aad noosoo gudbisaan.

    Maanta waxay joogtaa dhabtii waxaase iga yaabiyay ninkan Faysal fallan ee nasoo faragashanaya oo leh dhulkan angaa idinla wadaagna, waar ninkan halala taliyo oo waliba ilkaa tirada yar ee u haray yaanu ku khamaarin oo meel rag joogo oo hargeysa ka baxsan yaanu waxaa mar danbe ka sheegin hadii kali waalaga daadinayaa inta yaree u hartay. Beri dhoweyd wuxuu lahaa anaa Sool wax kuleh, shalayna waxaan aragnay buu ku hadlay.

    Ninkii yiri hargeysa gabigeedba halaga dhigo dhakhtarka dadka waalan been muu sheegin, waqti dhowna taa uun bay ku danbayn.

    Reply
    1. @His Royal Excellency Garaad Admiral Ali,

      Garaadka sharafta iyo sha’niga huwanoow waan kaa guddoomay salaamaha diiran ee aad dhawr bog noogu soo sharraxday aniga iyo Suldaankeena Sacaadatul Dab La Riday. Jimce wanaagsan ayaan Garaad kuu rajeynayaa.

      Garaadoow, anigu duulkan aynu isla ognahay ma jecli in aan la qabsado runtii laakiin in mar ba miyirka loo toosiyo oo waxa ay yihiin maanka lagaga gilgilo way istaahilaan.

      Annagu taajajka ina saaran, gobnimadeenu, diinteenu, dhaqankeenu iyo damiirkeenu ba noo saamixi maayaan in aynu cid toos u la caaytanno laakiin bahdilaadda dagaalka maskaxeed ee runta iyo taariikhda ku salaysan ayaynu digada kaga dhigaynaa Garaad.

      Waa kuwaas oo awooweyaasheena mootan ayaa xataa ka amaan heli waayay illayn waa wuxuushtaa aan waxba xeerinin ee aynu diinta iyo dadnimada ku soo biirinnay ee. Abaalkooda waa la marsiin.

      Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada