DAAWO VIDEO:SIR BADAN Faysal Waraabe Farmaajo Itoobiya & Caalamku Naga Xiray Cali Khaliif Xanaaqbu Naga Tagey.

Hargeysa(Marqaannews.com)-Faysal Cali Waraabe Ayaa Waraysi Dheer waxaa uu Uga Hadlay  Siyaasada Afrika Ka Socota Iyo Sida Maamulka Soomaliland Aysan Uga Dhex Muuqan Guud Ahaanba ,Waxaana uu Qiray Inay Soomaliland Ku Fashilantay.

Faysal Cali Waraabe Ayaa Sheegay Inay Guud Ahaan Siyaasada Debada Ku Fashilantay  Xiligani,Afrika,Maraykanka Iyo Midowga Yurub Toona Wax Samayn Ah Aysan Ku lahayn Soomaliland .

Waxaa uu Qiray Markii Ugu Horeyey  Inuu Cali Khaliif galaydh xanaaq Uga Tagey Hargeysa Maamulka Muuse Biixina oo Fulin Waayey Heshiiskii Ay la Galeen Maamulkii cali Khaliif oo Isagu Qeyb ka Ahaa,Dhanka Kale Waxaa uu ka Hadlay Isbadalada Dowlad Deegaanka Soomalida Itoobiya.

Halkani Riix Video Waraysi Faysal Cali waraabe

Waxaa uu ku Tilmaamay Inuusan tageersanayn madaxweynaha Cusub ee Dowlad Deegaanka  wasiirada uu Soo magacabay.

4 thoughts on “DAAWO VIDEO:SIR BADAN Faysal Waraabe Farmaajo Itoobiya & Caalamku Naga Xiray Cali Khaliif Xanaaqbu Naga Tagey.

  1. Arini mar ba waa heer iyo baab ku munaasab ah. Xaqiiqda aan sacabbada lagu qarin karin waxaa weeye in uu geyigan la isku haysto ee Ex-BSLP haddeer ku soo bixi lahaa ka gebi ahaan geyiyadada Soomaaliyeed oogu horumarsan ee dhan kasta oogu tayo sarreeya. Waa haddii aanay dhicin afduubkii, talo xumadii, ilduufkii, majara habaabintii iyo fiiragaabnidii Isaaqa kaga soo habsatay hoggaan xumada Habar Jeclada ee ay Habar Awashu na markii dambe kula xulufowday. Indha-adayg qayaxan ee isla qabweyni lagu suntay ayaa labadan reerood ku dhaqaajiyay qaddiyad qalloocsan oo runta iyo waaqiciga dhabta ah ka baxsan, iyaga oo is biday saanadda meleteri ee dawladdii hore ka hadhay iyo hantida Dhiigshiil. Tolweynaha geyigan isku tolan iska daa ee Isaaqii kale ayay xataa xaqireen oo ay ihaaneeneeyeen, sii ba Garxajiska. Tuugo suuqa madoow ee ganacsiga khaalijka Carabta iyo UK ka kalluumeysata ayaa u been sheegay oo qandaraasyo qeeral-caadi ah u yaboohay.

    Qaabkaas ayay ugu khamaareen qaddiyaddii dhammayd ee Woqooyinimo oo ay tolweynihii ku walaaleysnaa ku kala dileen. Hantidoodii bay kaga dhaceen. Maatidoodii bay si xun ugu tacaddiyeen. Wax walba oo Woqooyinimada u muqaddaska ahaa ayay ku tunteen oo ku dul gaardiyeeyeen. Waa ta ay maanta baylihiyeen qaddiyaddii u goonida ahayd iyo aayihii dhammaa ee sidiisa kale heer aad u sarreeya mari lahaa. Shaki kuma jiro in aan anigu shakhsi ahaantayda rabi lahaa oo kuna mamsuudi lahaa in ay Woqooyinimadu nooshahay oo aynu inteena qoyska ku ahi ismaamul qiimo iyo qaayo leh ku dawladeysannahay. Waan jeclaan lahaa in aynu Woqooyinimada wada dugsanayno oo wax ku wada nahay waayo meel kale ku ma beddesheen marka dhan walba laga dheehdo. Xamar iyo Koonfur oo dhan iyo Puntland xataa waxaan 100% kaga kalsoonahay Woqooyinimadayda (waa marka aynu caaddifada isireed gooni u dhigno). Qawleysatadii qaddiyaddan bireeyay ee geyiga iyo sha’nigiisa ba naga baylihiyay ayaa weli isla sii qumman oo afka sii kala haya.

    Fursad qaaliga ah ee xaqiiqdii naga khasaariyeen haddii aynu reer Woqooyiga nahay. Khara ayaan ka leeyahay

    Reply
  2. Waqti kasta oo aan booado allmarqan media waxan ku arkaa khaniska Sabiilander oo faanayo shaarabo libaax iyo awood sheeganayo kkkk qadhmuunku maanu dunidaba la socon kkkk kkk Albaabkii maamul beeleedka idoor waa la soo laabay, muuse biixi iyo shariif sakiin waysku meekhaan kkkkkkk kkkkwaa labo horjooge qabiil kkkk marka khaniis cod ma leeyahay? Xukunkiisa ma ninbaa mise waa haween? Dadka noocan ah Allmarqan waa inaysan codkooda soo dhejin.

    Reply

Post Comment