DAAWO: Maxay DF Ka Tiri Ciidamada loo dirayo Koonfurta Suudaan?+(JAWAAB YAAB LEH)

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in ciidamo u dirto dalka Koonfur Sudan, si ay gacan uga gaysato ammaanka, una xoojiso nabadda dalkaas.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Jaabiri oo ka hadlayey Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dalkiisa uusan ka laba labayneyn inuu cidamo u diro Koonfurta Sudan.

“Waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay is-weydiiyaan sidee ayey suurt-gal ku tahay in dal Soomaaliya oo kale ah, oo ka soo kabanaya dagaallo uu ciidamo nabad-ilaali ah diro, laakiin maxaa naga hor-istaagaya inaan ciidamo ku tabarucn,. Burundi ayada oo dagaallo ku jirto ayay annaga ciidamo noo soo dirtay, oo ay gacan ka gaysatay dib u dhiska dalkeena, maxaa anaga noo diidaya inaan ka qeyb-galno dhisidda nabadda dal kale oo Afrikan ah”. Ayuu yiri

IGAD ayaa dooneysa in ciidamada ka imaanaya Soomaaliya, Sudan, Uganda iyo Jabuuti lagu daro ciidamo kale oo nabad ilaalin ah oo horey u joogay Koonfur Sudan.

Hase yeeshee George Musamali oo ah agaasimaha Xarunta Mareynta Halisaha ee Afrika ayaa arrintan si kale u arka.

“Sawirka IGAD ay bixineyso ayaa ah inay muujiso inay xasilisay Soomaaliya, waxay ku cayaarayaan maskaxda dadka, oo ay u sheeegayaan in xasiloonida Soomaaliya ay joogto heer ay ciidamadeeda u diri karto dalal kale, balse taasi waa fikrad qaldan, wax ay ahaataba waxaa cad in Al-Shabaab weli ku baashaaleyso Soomaaliya” Ayuu yiri Musamali.

Hawlgalka QM ee Koonfur Sudan ayaa waxa uu ka kooban yahay 17,000 oo askari, kuwaasi oo badbaadinaya dadka shacabka ah, islamarkaana gacan ka gaysanaya sidii gargaar lagu gaarsiin lahaa, halka ay sidoo kalena la soconayaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ciidamada Koonfur Sudan iyo kooxaha hubeysan ku eedeysay inay gaysteen xadgudubyo ka dhan ah shacabka, weerarada ayaana weli sii socda.

Soo jeedinta ku saabsan in Soomaaliya lagu daro dalalka ciidamada gaynaya Koonfur Sudan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan inay ciidamo diri karto, xilli dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ilaalinayaan ciidamada Midowga Afrika ee ka kooban 22 kun ee askari.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaaliya oo is-garabsanaya ayaa la dagaalamaaya Al-Shabaab oo halis ku ah inay riddo dowladda federaalka ee caalamka uu aqoonsan yahay.

QM ayaa waxaa ciidamo nabad ilaalin ah ay ka joogaan dalal ka badan toban oo dunida ah, islamarkaana bar ka mid ah dalalkaas ayaa ku yaalla qaaradda Afrika.

Dalalka aan sidaas u awoodda badneyn ee Afrika ayaa horey ciidamo ugu diray dalalka kale ee ku yaalla qaaradda, kuwaas oo dagaallo ay halakeeyeen sida dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Musamali ayaa leh Soomaaliya diyaar um ahan in ciidamo dirto.

“Soomaaliya diyaar uma ah inay ciidamo gayso meel ka baxsan xuduudaheeda. Xaqiiqda ayaa ah, inayba tahay in la xoojiyo ciidamada hadda joogo Soomaaliya ee Midowga Afrika, islamarkaana si wanaagsan loo qalabeeyo, si ay ula tacaalaan dhibaatooyinka ka dhex jira Soomaaliya, ee ma ahan in ciidamo laga qaado Soomaaliya, gudaha ayaa looga baahan yahay”. Ayuu yiri Musamali.

Toddobaadkii tagey dowladda Koonfur Sudan iyo Mucaaradka ayaa heshiis nabadeed kala saxiixday, si loo soo afjaro shan sano oo dagaal sokeeye ah.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA:-

3 thoughts on “DAAWO: Maxay DF Ka Tiri Ciidamada loo dirayo Koonfurta Suudaan?+(JAWAAB YAAB LEH)

  1. Tiisaba Daryeelaa tu kalana ku Dara. Adoo xildhibaanadaadii xasaanada lahaa KU leeyihiin hadaad amniga magaaladan oo Kelli ah sixi weydaan oo aad Naga saari doontiin xero digaagtan aanu ku xareysanahay zildhibaanimada ayaanu ka tanaasuli doonaa ayay intay iyagu wax qabsan lahaayeen ku doodayaan ciidamo ayaanu diray ayaa. Kkkkk

    Waa iska riwaayad iyo qosol qosol meeshuba.

    Reply
  2. Somaliya Masuul Badana
    Somaliya Masuul Badana

    Magac Dawlad Badanaa

    Maamul Goboleed Badana

    Madaxweynayaal Badana

    Macna Xumo Badana

    Muwaafaqo Daro Badana

    Xaajo Murugsan Badana

    Qabiil Muransan Badana

    Musuqmaasuq badanaa

    ———————–0————————0—————

    Madaxweynuhu Dhoof Badana

    Waaley Macsuumay iyo Meelo Aadis Badana

    Duqu Maqnaansho Badana

    ———————–0————————–0————–

    Muqdisho Macnayaal Badana

    Marin Goo’yo Badana

    Moojado Bulxamaya iyo Miino Qarxaya Badana

    ————————0————————–0————-

    Hargeisa Muusanow Badana

    Midnimo Diidnay Badana

    Miig baa na Duqeeyey Badana

    Maantaan Xorownay Badanaa

    Calamo midabo badano meelo ka taagan Badanaa

    ———————0———————————–0————

    Puntland Masayr Badanaa

    Masuul Cadhaysan Badana

    Anaga Mudnayn iyo mudac iyo dhib badana

    ——————–0——————–0———————–

    GALMUDUG MUSHKULAD BADANA

    MEESHU MAAYOR BADANA

    IS-MAGCAABIS BADANA

    MID KU HAYSTA BADANA

    MOOSHIN KEENIS BADANA

    MURAN IYO DHIB BADANA

    Reply
  3. Kkkkkkkkkkkkkkkkk, farmaajo inuu miirqabo uma arko Marka loofiiriyo habdhaqankiisa, laakiin ujeedkiisa waan fahmayaa oo kooxda nabad iyo nolol er durbaanka u sidda isaga iyo khayrre Goobbo ayeey riwaadda u sallaxayaan Si ammaanta iyo huuhaada u badato waxqabadna looga dhigto suudaan ayaannu ciidamo xasiliyi u dirnay laakiin sheekadaas waa mid lagu qoslo kkkkkkkkkkkkkkkkk, farmaajo ciidanka uu sheegayo villa muqdisho haku difaaco, waan hubaa in uu caalamka ku qaslaayo soomaali iska daaye waa haddii uu taas sameeyey. Kooxdaani waa taliskii ugu liitay ee soomaaliya soomara inta la ogyahay taariikhda soomaaliya. Baarlamaanka waxaan ka sugaynnaa inuu tallaabo degdeg ah qaado oo codka kalsooni kala noqoshada Ah lagu cayriyaa khayrre waayo Si toos Ah oo muuqataa ayuu u fashilmay, farmaajana waa in digniin la siiyaa oo uu ammaanka wax ka qabtaa muddo cayimmanna waa in la siiyaa haddii uu ku fulinwaayo wax ka qabashada amnigga waa in isna meesha laga saaraa Si uusan waqtiga nooga lumin. Hafdii aannu shacabka nahhay Waan ku qanacsanbahay dooddii baarlamaanka ee ku saabsanayd amminiga qaranka.
    Guul iyo gobanimo

    Reply

Post Comment