C/wali Gaas oo ku sii jeeda magaalada Boosaaso xilli ammaanka laga deyrinayo

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maamed Cali Gaas ayaa maanta kusii jeeda magaalada Boosaaso ee xudunta Ganacsiga Puntland, waxaana uu soo gabagabeynayaa safar uu ku tagay gobalka Sanaag, gaar ahaana magaalada Baran.

Madaxweynaha Puntland oo ay socdaalkiisa Boosaaso ku wehlin doonaan xubno katirsan golayaasha dawladda, ayaa lafilayaa in uu maalmaha uu joogo uu la kulmo la yeesho laamaha Ammaanka oo ay ka wada hadlayaan xaaladda Amniga.

Dilal qorsheysan ayaa ka dhacay maalmihii u dambeeyey Boosaaso, waxaana dadka qaarkood ay ku dhaliilayaan laamaha in aysan gudan waajibaadka amniga ee ay bulshada ugu xilsaaran yihiin.

Madaxweynaha Puntland waxaa lafilayaa in uu dhagax dhigo mashaariic cusub, kuwana uu xariga ka jarro sidda ay sheegayan xubno ku dhaw dhaw Madaxtooyadiisa.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada