AKHRISO: MD C/wali Gaas oo Guddi u saaray Xalinta Dhacdadii geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil oo Askari ilaaladiisa uu dilay

Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa guddi u saaray dhacdadii  ka dhacday degaanka Hadaaftimo ee gobolka Sanaag oo uu ku dilay degaankaasi mid kamid ah askarta ilaalada u ah madaxweyne Gaas Suldaan Xasan Cali Jirbiil, waxaana Madaxweyne Gaas oo uu sheegay in xal deg deg ah laga gaari doona dhacdadaasi.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay Guddiga Xalinta Dhacdadii geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Xeer Madaxweyne Lr.199 ee Sep 22, 2018, kuna saabsan Xalinta Dhacdadii geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Madaxweynuhu Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu la Tashaday: Isimadda iyo Wargaradka Gobolka Sanaag Markuu Garwaaqsaday: In loo baahan yahay in xal degdeg ah laga gaaro dhacdadaas Wuxuu Xeeriyey:

Waxaa loo magacaabay guddiga hoos ku qoran oo ah xalinta dhacdadii geeridii Suldaan Xasan Cali Jibriil waxayna kala yihiin:

  1. Garaad Cabdulaahi Cali Ciid (Guddoomiye)
  2. Suldaan Ciise Maxamed Ciise
  3. Suldaan Axmed Bashiir Ducaale 4. Islaan Xuseen Xaaji Cabdisalaam
  4. Maxamuud Maxamed Ducaale Xoghayn
  5. Sheekh Cabdulaahi Maclin Xasan (Qudubi)
  6. Sheekh Siciid Cusmaan Cali
  7. Nabadoon Siciid Cusmaan Cali

4 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “AKHRISO: MD C/wali Gaas oo Guddi u saaray Xalinta Dhacdadii geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil oo Askari ilaaladiisa uu dilay

  1. Dhuusa La AFUUFAY

    Marqaan news maxaad ku haysataa soow beentii awalba heshiiska ku ahaydeen kumuu sheegin uun.

    Markuu Jamhuuriyada Barakaysan Ee Somaliland been iyo khuraafaad ka faafinaayo soowdiga adoon iska hubsan u niikinayay ee DHUUSO ku waashaa!!

    Ilmada cesho dhuusooy!!

    God bless Somaliland!

    😂😂😂😂

    Reply
    1. @Landless & Mindless,

      How many packets of crayons do you go through each day just drawing that “Somaliland” flag at the Autism treatment centre in Toronto?

      And how many times do the nurses there have to make you sit down and stop singing “God bless Somaliland” and “Hello Tukoraq, how are you doing today?”

      I bet the local council is scratching its head on how to get rid of you due to the spiralling cost of your untreatable condition. They don’t know there is the underlying cause called “marqaan” which is making it hard.

      The definition of a ‘marqaan’ is:

      “doing the same over and over again and expecting the same result”

      Phew!

      Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada