PUNTLAND oo 20 Sanno jirsatay & Xaflad ka dhacaysa Madaxtooyada Puntland

Puntlana ayaa xuseysa 20 sanno guuradii kasoo wareegtay markii la dhisay maamulkaas sannadkii 1998-dii, waxaana caawa xaflad gaar ah ay ka dhici doontaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Garoowe, iyadoo ay ka qeybgali doonaan masuuliyiin katirsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, gaar ahaana Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre oo arrintan awgeed u yimi Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Hambalyo u diri doona saacadaha nagu soo aadan Shacabka iyo Ciidamada Puntland, taas oo ku aadan 20 sanno oo ay maanta garaadsatay Puntland, waxaana lafilayaa in uu caawa jeediyo khudbad gaar ah.

Guddiga qabanqaabada xuskan ayaa ka yareeyey maamuskii horey loo siin jiray, arrimaha gobalka ku xeeran awgood, gaar ahaana xagga gobalka Sool oo ay Madaxtooyada Puntland uga furan tahay furin dagaal, oo ay isku hayaan ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Isimadda iyo dhinacyo badan ayaa lafilayaa in ay caawa ka hadlaan dareenkooda ku wajahan arrimahan, waxayna si gaar ah diiradda u saari doonaan Puntlandtii la wada dhistay oo ay ku eedeynayaan beelaha qaarkood in ay gaar isku xijiyeen.

Himilooyinkii loo dhisay qaar badan oo kamid ah ayaan la gaarin, hasa-ahaatee Puntland ayaa Amniga & horumarka ka gaartay meel wanaagsan, inkastoo ay mararka qaarkood qeyb ka tahay arrimaha ammaan xumida ee ka jirta Soomaaliya, maadaama ay qeyb ka tahay.

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “PUNTLAND oo 20 Sanno jirsatay & Xaflad ka dhacaysa Madaxtooyada Puntland

Halkaan Ku Qor Fikirkaada