Jabuuti Ma Kaligeed Ayaa Abaal Ku leh Soomaaliya,Soomaaliya Ma Iyada Wadada Furtay.

dalka Jabuuti oo Ah dal ka Mid Ah Shantii laysku Dhahi jirey Soomaali Weyn Ayaa ka faa’idaysatey Intii uu Jirey Bur Burka Soomaaliya Horumar balaadhana Gaadhey,Waxaana ku faana Umada Soomaaliyeed Meel Kasta oo Ay joogaan Inay tahay jabuuti dalka Labaad ee soomaalida.

Jabuuti 20 sano ee Bur Burka kaliya waxaa Kunoolaan Karayey Dadka Soomaalida ee Magac Leh Ama Lacagta haysta oo Ay doonaysey Inay kasoo jiidato Soomaaliya Inta Ay bur burka Kujirto,Sida Fanaaninta,ganacsatada iyo dadka Magaca leh.

balse dalka Jabuuti wax Sharaf Sidaasi u Weyn kuma Laha Dadka Shacabka  oo doonaya Inay u safraan Intooda Badani marka Laga Reebo dadka Magaca Leh oo Dhalasho laga Siinayey dalka Jabuuti Mudadaasi.

Dalka Jabuuti Ayaa 20 sano ee Soomaaliya Bur Bur sanayd waxay Heshiisyo la galaysey dalal Soomaaliya Dhibaatadeeda ka Shaqeynayey,mana Jirin Wax Colaad oo umada Soomaaliyeed u qabeen,Itoobiya Ayey Mudada  Xirir wanaagsan kala Dhaxeeyey kalamana Hadli jirin Inay Itoobiya Faro galinta ka dayso Soomaaliya  iskaba daaye  way ku tageeri jirtey.

sanadadani danbe Waxay Xirir la Lahayd jabuuti dalalka carbeed oo Soomaaliya Dusha Uga taagan Umada Soomaaliyeedna Colaad Uguma Qaadi jirin.

safiirka jabuuti ee soomaaliya Ayaa Dhawaan sheegay Inay abaalki soomaaliya gabtay Ay ku Lahayd jabuuti balse Xornimada jabuuti dad Soomaaliyeed Ayaa Garab tagnaa Ilaa dal gooni ka Noqoto ilaa Maanta oo  Dal gooni tahay Mana Jirin Cid u Abaal sheegatay.

Balse Inay jabuuti ka Dido  Heshiiska Ereteriya Waa Mid Muujinaya Inay waligeedba jabuuti iska Ilaalin jirtey Soomaalida .

 

3 thoughts on “Jabuuti Ma Kaligeed Ayaa Abaal Ku leh Soomaaliya,Soomaaliya Ma Iyada Wadada Furtay.

  1. Haa waa run Jabuuti waxaa ku maqan ciidan laga dhigi jiray dharcad iyo shacab Soomaaliyeed oo u huray naftoodii dowladdi Soomaaliya dhaqaale iyo siyaasadba xornimadii Jabuuti waxayna dooratay kali istaagto waana lagu taageeray rabitaankeedii marka Jabuuti cabaadkeeda maanta waa ilma yaxaas oo waxay rabtaa Soomaaliya in ay waligeed Qaran noqon waayo adba 20 sanno oo aan burbursanayn cadowgeena carab iyo Afrikaba waad la heshiisay danahaaga ayaad raacatay ma waxaad noogu abaal sheeganaysaa 1000 askari oo aad mushaarka la soo doonatay ee aad keentay Hiiraan ee loo bixiyay hiil walaal waa magac meel beelay in aad danahaagii raacatay hadaad walaal jira ahayd Xabashii ka danbaysay burburkayaga ayaad xiriir dhaqaale iyo siyaasadba la lahayd kuma aanan eedayn waxaan gaarnay in xarunta madaxtooyadayada iyo baarlamaankeena uu dhex fadhiyay Xabashi sirdoonka Itoobiya oo ay wateen cawaan wax magarato ahayd Adigu hadad walaal ahayd maxaad uga hadli weyday dhibkeyga iyo sharaf darida la igu sameeyay cawaanta wadatayna hadba koox baad la shiraysay shirqoolka waxbaad ka waday waligeed yey kicin hadda iyo dan dowlad baan ahay go;aankeygaan leeyahay cidaan xiriir la yeelanayo.

    Reply
  2. Faalladani arrimo aan bataatan ba is lahayn ayay isku cajiimaysaa ee sawir aad u qaldan ka muujinaya labadan waddan ee gacalka ahi. Jabuuti iyo Soomaaliya gacalnimada ka dhexeysaa waa marag ma doonto oo waxii ay wanaag ay isu soo galeen waa abaal ay isku leeyihiin ee axsaan la isugu minno sheegto ma aha sida dad shisheeye kala ah. Walaalnimadu xad iyo xisaab toona ma leh ee yaan gaalada lagaga dayanin qaab saxaafadeedka ay dad wada dhashay ku kala dilaan.

    Faalladu waxay isku qasaysaa arrimo badan oo aan is qabanin sida xaqa uu dal kasta u leeyahay in uu danihiisa dhaqaale dardar galiyo waloow cadawga xun lala ganacsanayo, xidhiidhka arrimaha dibedda iyo diblumaasiyadda caalamiga salka ku haya, amniga iyo xasiloonnida mandiqad lagu sugan yahay iyo waxii soo raaca. In ay Jabuuti xidhiidh wanaagsan ee ganacsi iyo waxyaabo kale isugu jira la yeelato Itoobiya iyo waddan kasta oo Soomaaliya cadaw ku ah waa sax iyo waaqici jira waayo danaha iyo duruufaha dunida ka jira ayaa kallifaya. In lagu macneeyo Jabuuti ayaa Soomaaliya ku xumeysay waa hadal caqliga saliimka iyo runta ba ka baxsan xaqiiiqdii.

    Reply

Post Comment