DEG DEG+AKHRISO: Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka oo shaqadii ka joojiyey 9-Xubnood oo ka tirsan Howlwadeenada Maxkamadda G/Banaadir

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka  Garaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa shaqo joojin ku sameeyay kaaliyeyaal gaaraya 9 xubnood oo ka hawlgala Maxkamadaha degmooyinka,Gobolka,iyo Rafcaanka.

Shaqo joojinta ayaa  timid kadib markii ay badatay cabashooyinka ay ka soo gudbiyeen dadweynaha u soo doonta adeega cadaaladeed oo loogu shaqeyn waayay sida  sharcigu qabo.  kadib markuu ku  qancay soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamada Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi.

” Markaan arkay cabashada joogtada ah ee ka taagan Kaaliyeyaashan,markaan arkay kuna qancay soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir,markaan arkay kuna qancay in danta cadaaladda ay ku jirto in shaqada laga joojiyo Kalkaaliyeyaashan.

“Laga bilaabo maanta waxaa shaqadii ka joojiyay kaaliyeyaashan inta laga sameynayo baaritaan dhammeystiran,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf  Axmed.

Ugu danbeyntii, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Maxkamadaha Racfaanka iyo degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la faray imney amarkaan siduu yahay u fuliyaan.

Tallaabadan uu qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda sare  ee shaqada looga joojiyay Kaaliyeyaashan ka howlgalayay hawlgala Maxkamadaha degmooyinka,Gobolka,iyo Rafcaanka ayaa qeyb ka ah balan qaadyadii uu sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka,taasi oo ku aadan inuu dib u habayn dhammeystiran ku samayn doono Garsoorka dalka.

 

 

3 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DEG DEG+AKHRISO: Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka oo shaqadii ka joojiyey 9-Xubnood oo ka tirsan Howlwadeenada Maxkamadda G/Banaadir

  1. ASC.
    KU:Galmudug.
    Waxaan arkay bog kale oo ad aad ugu caytantay.Waa bogga ad ku soo tiri Hawiye iyo Isaaq way wada dhasheen oo Daarood waa la ciribtirayaa.Boqol sano ku dhawaad bay beelahaasu bilaabeen in ay Daarood wax yeeleeyaan.Waligoodna kuma ay guulaysan.Calaa kulli xaal maanta ku siin mahayo jawaabaha ad mudan tahay.Waayo waan soomanahay ee Insha Allaah waa inoo labo maalin kabacdi.

    Reply
  2. ASC.
    KU:Galmudug.
    Waxaan arkay bog kale oo ad aad ugu caytantay.Waa bogga ad ku soo tiri Hawiye iyo Isaaq way wada dhasheen oo Daarood waa la ciribtirayaa.Oo haddii ay wada dhasheen who cares?Boqol sano ku dhawaad bay beelahaasu bilaabeen in ay Daarood wax yeeleeyaan.Waligoodna kuma ay guulaysan.Calaa kulli xaal maanta ku siin mahayo jawaabaha ad mudan tahay.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada