XOG: RW Kheyre oo Heshiis Hoosaad la galay Dowladda Qadar & Illo dhaqaalo oo loo saxiixay

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu heshiis hoose oo ku saabsan Dekadaha la galay Dowladda Qadar.

Dowladda Qadar oo tartan dhaqaale kula jirta Imaaraadka Carabta xifaaltana uu kala dhaxeeyo ayaa dadaal ugu jirta sidii badi illaha daqaalaha dalka ula wareegi lahayd,waxayna heshiisyo arrintaan la xiriirta la gashay Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa si gaar ah u wata Dowladda Qadar,islamarkaana u dhameynayo Dekadaha dalka sidii ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen.

Wafdi ka socda Dowladda Qadar oo dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho lana kulmay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa indha indheyn ku sameeyay Labo ka mid ah Dekadaha Soomaaliya ay doonayaan iney maalgashi ku sameeyaan.

Dhanka kale,madaxweynaa Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhankiisa Imaaraadka Carabta la doonaya iney maalgashadaan Dekadaha Soomaaliya,taasi oo khilaaf ka dhex abuurtay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada