XOG: Qadar & Imaaraadka Carabta oo loolan adag kala dhaxeeyo Dekadaha Somalia & Itoobiya oo qarka u saaran

Qadar hadda waxay si cad u shaacisay iney dooneyso Dekadaha Soomalaiya gaar ahaan Dekadaha magaalooyinka Baraawe iyo Hobyo,waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya ku soo dhoweysay gacmo furan.

Imaaraadka Carabta oo daneynayay Dekadaha Boosaaso iyo Ber bera,ayaa waxay caqabad weyn kala kulantay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dib markii qaraar dalka looga saarayo shirka DP World uu gaaray Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana halkaasi qal qal ku galay hankii Imaaraadka Carabta ee Dekadaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay cid kasta oo dooneysa maalgashi,balse aan ku xadgudbeyn qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa hadda u muuqata dhexdeeda mid saameyn ku yeeshay Khilaafka Dowladaha Khaliijka gaar ahaa Qadar iyo Imaaraadka Carabta oo labada dhinac lala kala saftay.

Beesha caalamka ayaa ku baaqday in laga shaqeeyo xasiloonida Soomaaliya,islamarkaana xasaradaha ka jira Khaliijka saameyn ku yeelan Nabad galyada Soomaaliya.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada