XOG MUHIM AH:Qalbi Dhagax oo Xil Looga Magacabayo Jubaland Kadib Madaxweynaha Jubbbaland.

Kismaayo(Marqaannews.net)-Ilo Wareedyo lagu Kalsoonaan Karayo Ayaa Sheegaya Inuu Qalbi Dhagax  Xiligani U Diyaar garoowey Inuu Siyaasada Jubbaland ka Qeyb Noqdo gar Ahaana  Xubin Muhim Loo Magacabayo Si Doorashada Uu Qeyb Uga Noqdo Kadib Markii Ay ka Wada Hadleen Madaxweynaha Jubaland.

Kadib markii Dowlada  Soomaaliya uu Siyaasadeeda Kasoo hor Jeestey Kuna tilmaamay  In Si Xun Loola Dhaqmay Intii Loo Dhoofinayey dalka Itoobiya Markii la Xidhayey.

Halkani ka Dhagayso

Macada Inuu yahay Xilkani Mid raali galin Looga Dhigayo Inuu Dowlada Tageero laguna Qariyo  Siyaasada Dowlada Faderalka Soomaaliya Inuusan kasoo horjeesan.

Ilaa Hada ma Cada Xilka Loo magacabayo balse waxa Ilo Lagu Kalsoon yahay Sheegayaan In Loo Magacabayo taliyaha Nabad Sugida Jubbaland,mana cada Inuu yahay Xilkaasi Miday Dowlada Soomaaliya Iyo Jubbaland ku wada Heshiiyeen Balse waxaa la aamin san yahay Inuu Daacad U yahay Siyaasada Madaxweynaha Jubbaland.

Qalbi Dhagax oo ku Sugan Magaalada Nairobi  Ayaa Kulan xasaasi la Qaatay Madaxda Jubbaland Waxaana Kulankoodaasi kasoo baxay Inuu Siyaasada Jubbaland Ka Qeyb galayo.

cabdikariim Qalbi Dhagax Ayaa La Aamin San yahay Inuu Khibrad Badan u leeyahay  hagida Ciidamada  waana Sababta  Loo hadal hayo In Taliyaha Nabad Sugida Loo Magacaabayo.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada