XOG: Al Shabaab Oo Afduubatay Gudoomiyaal & Carruurtooda

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya afduub loo geystay gudoomiyaal maamulka gobalka gedo ugu magacaawnaa tuulooyin hoos yimaada degmada Luuq ee gobalkaasi Gedo.

Masul katirsan maamulka magaalada Luuq ayaa xaqiijiyay in la qafaashay laba masuul oo maamulka degmada luuq ugu magacaaw-naa tuulooyin hoos yimaada degmadaasi.

Labada masuul ee ciidanka Al shabaab  afduubteen ayaa kala ah gudoomiyaha tuulada Cadaley Axmed Cumar iyo wiil uu dhalay, Gudoomiyihii tuulada la yiraahdo Shaataaloow Cabdulahi Kuusow Maxamed , Gudoomiyaha tuulada Baakaale wiil uu dhalay iyo gaarigi gudoomiyaha.

Xarakada Al shabaab Wali wax war kama soo bixin oo ku aadan gudoomiyaashaasi la afduubtay.

wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in aan la garanen halka jaan iyo cirib lala aaday gudoomiyaashaas.

Waxii Kusoo Kordha Halka Lala Aaday Masuuliyiintaasi Dib Ayaan Idin Kala Wadaagi Doonaa…

Halkaan Ku Qor Fikirkaada