WAR CULUS:RW Khayre Iyo Madaxweyne Farmaajo oo isku Khilaafay Amniga Muqdisho,Amaro Kala Duwan.

Muqdisho(Marqaannews.net)-Warar Laga Helay Villa Soomaaliya Ayaa Sheegaya Inay Ku kala Duwan yahiin  Qaabka Amaanka Muqdisho loo Sugayo Kadib markii Laba Amar oo kala Duwan kasoo kala baxeen Madaxweyne Maxamed cabdulahi Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Shirkii Brussels Markii uu Kasoo laabtay waxaa uu Amar Ku Bixiyey in Si deg Deg Loo Furo Dhamaan wadooyinka Muqdisho Si dadka Shacabka Isku Socodkiisa  Dib Ugu Furo ,Madama  Mudo Shacabka Dhibaato ka Sheeganayaan wadooyinka Xidhan Inay Shaqadaooda Dhibaato ku tahay.

Wax ka Yar Markii Amarkaasi soo baxay 24 saac Kadib Ayaa la Furay Dhowr wadooyin oo Muqdisho ka Mid Ah,waxaana Kadib Isaguna Amar Soo saaray  Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre Isagoo  Ciidamada Amaanka Amar Kusiiyey In la Xidho Dhowr wadooyin Muhim Ah Kadibna Dib loo Xidhay.

Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre. Ayaa Sheegay Inay  Taliyaasha  Amaanka Muqdisho  Hoos Yimaadaan wasaaraha  Amniga   ,wasaarada Amnigana Isaga Hoos Imaado taasi oo sabab u Ah Amarada is Khilaafsan ee Soo kala Saraan Madaxda Ugu saraysa.

Wadooyinka Yar yar oo Ay isticmaali jireen Bajaajyada  Ayaa Dhamaantooda La Xidhay saacadaha Ugu danbeeyey Waxaana Lagu Gooyey Dhag xan Waaweyn iyo Biro Adag.

Muqdisho oo Xidhan  wadooyinkeeda Ayaa Hadana  Baaburta Qaraxyada Wada Qaar ka Mid Ah waxay Sifudud Uga Gudbaan Wadooyinka.

Post Comment