Kenya iyo Mareykanka oo ku baaqay dadaal dheeri ah si loo xasiliyo Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan

Dowladaha Kenya iyo Mareynkanka ayaa maalintii shalay oo arbaco ahayd ku baaqay dadaal badan oo lagu doonayo in lagu xasiliyo Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, iyagoona sheegay in nabad-galyadu ay muhiim u tahay horumarinta dhaqaalaha.

Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenya iyo Thomas Waldhauser, oo ah taliyaha taliska Mareykanka ee Afrika (Africom), ayaa dib u cusbooneysiiyay dadaalkooda nabadda ee labada dal.

Madaxweyne Kenyatta, oo wadahadal la yeeshay Waldhauser, ayaa sheegay in xasarad siyaasadeed oo ka jirta Koonfurta Suudaan ay ka sii dartay cabsida aan loo baahneyn iyo is aaminaad la’aanta taageerayaasha madaxweynaha Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar.

“Waxaan siin doonaa wax walba oo aan awoodno, laakiin ma ahan wax sahlan,” ayuu Kenyatta ka yiri Xaaladda Koonfurta Suudaan, sida lagu sheegay bayaan la soo saaray kaddib kullan labada Mas’uul ku dhexmaray magaalada Nairobi.

Hoggaamiyaha Kenya ayaa sheegay in Kenya ay si buuxda uga go’an tahay in la helo nabad ka dhalata Soomaaliya, taasi oo uu ku sheegay ahmiyada koowaad ee hanaanka taageerida Kenya ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya Mr. Kenyatta ayaa sheegay in Soomaaliya hadda ka soo kabsaneyso colaado sokeeye iyo caqabado siyaasadeed oo dalka ka jiray.

Waldhauser, dhinaciisa, wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in Soomaaliya ay xoojiso dhismayaasha hoggaanka, isaga oo intaa ku daray in xasilooni la’aanta ay qayb ahaan sabab u tahay faragelinta aan tooska ahayn ee ka imaanaya wadamada kale, sida lagu sheegay bayaanka.

“Waxaan diyaar u nahay in aan sii wadno caawinta waddanka illaa inta xukuumadda federaalku ay diyaar u tahay inay aqbasho taageeradayada,” ayuu yiri Waldhauser.

Dowladaha Kenya iyo Mareynkanka waxay qeyb ka yihiin dalalka sida aadka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya kana taageera la dagaalanka Kooxaha argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.

One thought on “Kenya iyo Mareykanka oo ku baaqay dadaal dheeri ah si loo xasiliyo Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan

  1. Ethiopia & Masar ayaa ku Baaqay in Somaliya cuna qabataynta Hubka culus laga Qaado si loo jebiyo Nabad diidka Al-Shabaab. Waxaa hada Somaliya laga qaaday cunaqabataynti ahayd in ay iibsadaan Hubka Technikada ah iyo gawaadhida gaashaaman iyo weliba madaafiicda 30KM gaadhaya. waxaa weli uu ka saran yahay Madaafiicda gaadhaya 60–to –90 KM. Waxaa kale oo somaliya loo ogolaaday in ay iibsan karto Agab melitery oo aan ku jirin inta ”’BAN”’ ka ku jirta ee askartu u baahan yihiin.

    Ethiopia Prime minister ayaa somaliya uga balan qaaday in uu siiyo hub ay ku jebiso AL-SHABAAB si looga maarmo ciidamadda Ethiopia ee jooga Somaliya.

    Reply

Post Comment