DHAGEYSO: Wararkii U Dambeeyey Dagaalka Degmada Xarardheere Ee Gobolka Mudug

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeyey Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo saakay waaberigii ka qarxay tuulooyin hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Dagaalka oo aad u cuslaa ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegen in ay ka dambeysay kadib markii Al-Shabaab ay dadka deegaanka weeydiiyeen lacago iyo dhalinyaro ka barbar dagaalanta balse dadka deegaanka ay diideen.

Qof ka ka mid ah dadka ku nool deegaanada ay dagaalada ka socdaan ayaa dalsan u sheegay in dadka shacabka ah ay u adkeysan waayeen dhibaatada ay ku hayaan Al-Shabaab,isla markaana ay dagaal kala hortagaan.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah ayaa la soo sheegayaa in dagaalkaas uu ka dhashay,saddex ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyootay dagaalkaas halka dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Weli waxaa socda gurmadyo kala duwan oo ay sameynayaan labada dhinac,waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in ay cabsi dareemayaan.

Masuuliyiinta sar sare ee Maamulka Galmudug weli wax war ah kama soo saarin dagaalka u dhaxeeyey dadka Shacabka iyo Al-Shabaab ee ka dhacay tuloyin hoostaga degmada Xarardheere.

2 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DHAGEYSO: Wararkii U Dambeeyey Dagaalka Degmada Xarardheere Ee Gobolka Mudug

  1. Isaaqa Aakhiro Xagge La Geynayaa, intay Abuureen AL-SHABAAB ayey ku dhex tureen Hawiyaha,Hadda ilaa maalinta qiyaamaha hawiye iyo al-Shabaab wey is-daba Ordi doonaan. Qolada keliya ee ay Habaar ka shaqaysteen waa ”ELEYDA”’ masaakiinta ah ee ay ku dhex tureen AL-SHABAAB.

    Isaaqu Xisaabtoodu waxay ahayd marka koonfurta iyo al-Shabaab isku mshquulaan Adduunku wey idin ictiraafi doonaan Laakin xisaabtaas khalad bay Noqotay.

    Carabtu waxay ku Maahmaahaan

    ””’ ANQALABA AL-SIXRU CALA AL-SAAXIR ””

    sixirki wuxu isku rogey niki sixirka sameenayey.

    ictiraafna ma Jiro magacna ka dhimay ISAAQA

    Reply
  2. ASC.
    Hawiyaa soo alifay Shabaab waana isla ayaga.Ama Isaaq ha u hawl galiyeen ama si kale wax ha u tareene Shabaab waa Hawiye.Haddii aysan hawiye ahayn maxay u dagi waayeen magaalooyinka kale ee soomaaliweeyn?Marka labaad shabaab dad caadiya ma aha.Waase dambiyadii iyo xaqdaradii ay gashay beesha Hawiyue walina ay ku jirto.Dambiyadii uu hawiye ka galay soomaaliweeyn oo ay ayana iska galeen cidla dhicimayso.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada